Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Lagen om anstälninsskydd

Sharciga badbaadinta shaqaalaha dalkaan oo isqabqabsi xoog lihi ka jiro

La daabacay fredag 5 februari 2010 kl 12.53

Sharciga badbaadinta ama dhawridda shaqaalaha oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano LAS,ayaa ka mid ah sharciyada uu loolankiisu  ugu badan yahay dalkaan Iswiidhan gudihiisa.

Waxa ugu horeeya oo loolanku ka jiraana waa sharciga la xiriira habka kala hormarinta shaqaalaha oo ah in qofka ugu horeeya oo shaqada laga eryayaa in uu noqdo kii ugu danbeeyey oo shaqadaas loo qorey kaas oo afka dalkaan loo yaqaano "sist in-först ut",sharcigaan oo xiisad ka dhex abuurey ururada shaqaalaha iyo shaqo bixiyayaasha.

Svante Nycander oo horey u ahaan jirey tifatiraha wargeeyska Dagens Nyheter ayaa buug uu qorey oo lagu madacaabo "Sist In Först Ut" wuxuu ku sheegey in sharciga loo yaqaano "turordningsregler"oo shaqada looga eryayo qofkii ugu danbeeyey oo shaqadaas loo qorey,yahay mid gabi ahaanba khatar ku ah nidaam wadareedka suuqa shaqada ee dalkaan Iswiidhan.

Svante Nycander oo arrintaas ka hadlayey ayaa sheegey:

"Arrintaan waxaa murankeedu ka soo dhexjirey  ilaa iyo intii muddo 36 sannadood ah dhinaceeda siyaasadeed iyo kan nidaamka ururada shaqaalaha intaba .Markaanna waxaa la soo gaarey markii la isku dayi lahaa in xal loo helo,oo la isla gaaro  hab arrintaas go'aan ka gaaristeeda tusaale u noqta.

Hadda sida xaalku yahayna waa in aan la dhawrin sharciyada kala ah kan badbaadinta shaqaalaha ee loo yaqaano LAS iyo sharciga ah in kan ugu horeeya oo  shaqada laga  ruqseeyayaa in uu noqdo  shaqaalihii ugu danbeeyey oo shaqadaas loo qorey kaas loo yaqaano turordningsregler.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".