Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Svenskar dödade i Afghanistan

Iswiidhish ku dhintey Afgaanistaan

Publicerat måndag 8 februari 2010 kl 11.30
Calamadii oo hoos loodhigay murugo darteed, foto:Henrik Eskilsson/Scampix

Labo sarkaal oo iswiidhisha iyo turjumkoodii oo afgaana ayaa shalayto lagu dilay dalka Afgaanistaan,waxaana lagu dhawacay askari Isiidhisha.Saraakiishan ayaa ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka Afgaanistaan, inta la xaqiijiyey ilaa iyo hada waxaa lagu dilay dalkaas 4 ka tirsanaa ciidamadda iswiidhishka, meesha ay dhawr kalana ku dhaawacmeen.

Ciidamadan lalaayey ee ilaalada aheeyd ayaa ku sugnaa xerada ciidamadan iswiidhisha Mazar-i-Sharif, oo ka mida tuulooyinka ugu walwalka badan hadeer.

Saraakiishan ayaa kala ahaayeen dhamme Johan Palmlöv oo 28 jir, daganaana xaafada Sundbyberg oo ka tirsan magaalada Stockholm iyo xiddigle Gunnar Andersson oo 31 jir ahaa, daganaa Stockholm, ayuu weeraray nin xirnaa dharka booliska ee Afgaanistaan. Cidina ma'aysan xaqiijin gacan ku dhiigluhu inuu ahaa boolis iyo inkale . Waxuuse sheegay Gustav Wallerfelt oo ah sarkaal sare ineey baritaan wadaan, ayna ogaan doonaan waxuu yahay dhib geeystahaani.

Dilkan loo geystay Ciidamadan iswiidhiska ayaa dhamaan calamada ka surnaa goobtii uu dhibkaasi ka dhacay oo dhan hoos loo dhigay bar. Dalkaan Iswiidhana waxaa ka fidsan gogosha tacsida iyo baroordiiq.

Ciidamada iswiidhishka ayeeysan inta badan dhicin in tira intaa leg hal meela loogaga dilo. Dhinaca kalana wasiirka difaaca ee dalkan Iswiidhan Sten Tolgfors ayaan weli qorsheeyneeyn inuu wax ka badalo go'aamadoodii hore iyo ka qeeyb qaadashada xoreeynta Afgaanistaan laga xoreeyna hayo Al-Qaidda.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".