Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Skadestånds-föräldrar

Ganaaxa waalidiinta iyo danbiyada dhallaankoodu galaan

La daabacay torsdag 11 februari 2010 kl 14.07
Foto: Scanpix.

Laga bilaabo koowda bisha september waxaa waalidiinta khasab ku noqonaya in ay bixiyaan magdhawga khasaaraha ka dhasha danbiyada ay caruurtoodu geeystaan .dawladda ayaa maanta arrintaas go'aamineeysa.

Arrintaani waxay khuseeysaa marka dhallaanka da'doodu u dhaxeeyso 15 jir ilaa 18 jir ay galaan danbiyo ,waalidkood khasab kaga dhigaya in ay bixiyaan magdhaw haddey ahaan laheeyd alaab ama dad ay dhaawac u geeysteen iyo sidoo kale haddii ay aflagaado dad dhawac ugu geeystaan.

Soo jeedinta sharcigaan ayaa wax yar laga badaley si ganaaxaas looga dhaafo waalidiinta mas'uulka ka ah caruurta la korsadey oo aysan dhalin.

Laakiin hay'addihii muhimka ahaa oo laga codsadey in ay sharcigaan ka soo tala bixiyaan ayaa ku raacay hirgalintiisa.Qaar baase iyagu sharcigaan ka soo horjeeda sida hay'adda danbibaarayaasha ,ururka qareenada ,maxkamadaha degmooyinka Maalmo iyo Nacka,jaamacadda Stockholm iyo jaamacadda Uppsala iyo waliba sidoo kale ururka isbaheeysiga guri iyo iskuul.

Kuwaan iyagu sharcigaan dhaliilaya ayaa ku tilmaamey ,shuruudda ah ugu badnaan 8 500 karoon ay habsan doonto kooxo iyagu markoodii horaba liitey ,ugana dareeyso qoysas khilaafyo dagaal markoodii horaba ku dhexjirey.

Waxaa kaloo intaas sii dheer bey dheheen in soo jeedintaani aysan heeysan baaris taageereeysa in magdhaw laga qaado qofka mas'uulka ahi , hoos u dhimeeyso danbiyada dhallaanku galo,kaas oo ah ujeedada ugu weeyn oo sharcigaan laga leeyahay.

Sharcigaan oo kale wuxuu ka jiraa dalka Noorwey laakiin wax qiimeeyn ah oo lagu sameeyey lama soo bandhigin.

Laakin xataa wax ka sheegaas oo jira ,wasiiradda garsoorku Beatrice Ask weey ku faraxsan tahay:

Waxaan aaminsanahay in ay qaar badan u caddahay in

Yihiin waalidiintu kuwa mas'uulka ka ah caruurtooda.

Xataa waalidiinta ka yimid xaalado dhib iyo kadeed badan

Waa muhiim markii ay carrurtooda la hadlayaan oo ku dhahaan "hadda waa in aad si weeyn u taxadartaan"

Haddi aydnaan sidaas yeelinna xaaladdu wey nagu sii xumaaneeysaa ,taas oo caruurta u noqoneeysa dhanbaal Muhiim ah oo wax dareensiiya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".