Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Säpo ska granska radikal islamism

Säpo oo baaris ku sameeyneeysa muslimiinta xagjirka ah

La daabacay fredag 12 februari 2010 kl 10.24
Foto: Scanpix.

Dawladda dalkaan Iswiidhan ayaa si rasmi ah uga codsatey hay'adda sirdoonka ee säpo in ay baaris qoto dheer oo gaar ah ku sameeyso ururada xagjirka muslimiinta ah ee ku sugan dalkaan Iswiidhan.

Dawladda ayaa go'aankeedaas ku gaartey shirkoodii ay yeesheen maalintii khamiista.

Dawladda ayaa rabta in baaris qotadheer lagu sameeyo ururada mintidka ah dalkaan gudihiisa oo dhan, lana baaro dariiqa ay ururadaas mintidka ahi u maraan gaaridda hadafkooda iyo waxyaalaha laga qaban karo.

Wixii baaristaas ka soo baxa ayaa dawladda loo soo gudbin doonaa bisha december ee soo socota.

Go'aankaan ay dawladdu gaartey waxaa sababey ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ururo mintidiin islaam ahi ay dhalinyaro ka qortaan dalkaan Iswiidhan gudihiisa siiba deegaanada ay soogalootigu ku badan yihiin iyo waliba warar horey uga soo baxay hay'adda sirdoonka ee Säpo oo sheegayey in ay jiraan dad  dalkaan Iswiidhan dagan oo iyagu aada xerooyinka lagu tababaro argagixisada ama ka qeeybqaata dagaalada ka aloosan wadamada dalkaan dibadda ka ah.

Laakiin waxaa baarista arrintaan lagu sameeynayo dhaliiley ururka loo yaqaano Charta 2008 oo isagu ah urur xuquuqda bani'aadmiga u dooda horeyna isu-garab taagey Mehdi Ghazalli oo ahaa nin iswiidhish ah oo ku xirnaa xabsiga Guatanamo.

Afhayeenka ururkaas charta 2008 Gösta Hulten aya sheegey in ay tahay mid sax ah in hay'adda sirdoonka ee Säpo ka hortagto danbiyada laakiin arrintaani ay tahay mid ka balaaran kana qotadheer arrintaas.Waxayna khatar u tahay in ay adeegsadaan kuwa iyagu doonaya in ay muslimiinta farta ku fiiqaan ama ku shaabadeeyaan in ay yihiin khatar gacanta noogu jirta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".