Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Ett nytt övergripande mål för den svenka biståndpolitiken

Iswiidhan iyo siyaasaddeeda cusub ee mucaawinada

La daabacay fredag 12 februari 2010 kl 12.41

Dawladda dalkaan Iswiidhan ayaa maanta soo bandhigeeysa hadaf gabi ahaanba ku cusub siyaasadda mucaawanada ee uu dalkaan Iswiidhan bixiyo.

Koboca dhaqaalaha ayaa hadaf muhiim ah u noqon doona mucaawinada dalkaan si uu u abuuro horumar iyo waliba in uu yareeyo fakhriga ka jira wadamada iyagu mucaawinadaas qaata.

Waxaa kaloo iyana la sameeyn doonaa gole cusub oo ujeedadeedu tahay oo kaliya kobcinta ganacsiga iyo horumarka,taas oo ay dawladdu maanta soo bandhigi doonto.

Golahaas ayaa isugu jiri doona mid ka kooban dhammaan wasaaradda ama hay'adaha dalkaan dhankaas u qaabilsan iyo waliba tan ugu muhiimsan oo ah qaar ka socda kuwa dhaqaalaha iyo ganacsiga ku hawlan.

Gören hägglund ayaa sheegey isaga oo difaacaya siyaasaddaan cusub ee ay dawladdu ku talaabsatey:

La dagaalanka fakhrigu waa qeeyb ka mid ah mucaawanada ay Iswiidhan bixiso,laakiin markasta sidaas ma noqon karto .

Waxaana laga hadlayaana waa in la abuuro shuruudihii ay wadammadaasi aakhirka cagahooda isugu taagi lahaayeen,Meeshaas oo ay mucaawinadu door weeyn oo sax ah ka ciyaari karto.

Xisbiga Sooshal-dimuquraadiga ayaa isagu arrintaan dhaleeceeyn u soo jeediyey,kaas oo u arka in siyaasaddaan cusub ee dawladdu tahay mid muujineeysa oonka ay u qabto kobcinta ganacsiga ,dhanka kalana xisbiga bidixda ee Vänster-ka ayaa shaki galiyey in koboca dhaqaale uu dhimmi karo fakhriga.meesha dhanka kale labadaan xisbiba ay u arkaan in la dagalaalanka fakhrigu sababo koboc dhaqaale.

Magnus Walan oo ka socda ururka mucaawanada ee loo yaqaano Diakonia ayaa isagu u arka arrintaan ay dawladdu soo bandhigtey in ay faa'iido iyo khasaaro labadaba leedahay.

Dhanka kale hay'adda mucaawinada ee Sida ayaa dawladdu maanta cashar siiyey.

Kulan aan caadi aheeyn oo ay qabatey wasiiradda mucaawinadu Gunnila Carlsson ayey ku sheegtey in aysan dawladdu ku faraxsaneeyn qorshaha kharash dhinka ah oo ay maagan tahay hay'adda Sida kaas oo ay ku dhimeeyso shaqaaleheeda kala jooga wadamada Afgaanistaan iyo Ciraaq.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".