Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
fusket i Stockholmsmoderaternas provval

Wax isdabamarin doorasho

Publicerat måndag 15 februari 2010 kl 11.50

Tirakoobkii ugu dambeeyey ee ay sameeysey heeydda Sifo, lana xiriiray taageerada bulsha weeynta Iswiidhen u kala hayaan xisbiyada dalka ayaa lagu caddeeyey in xisbiga Mudaratku uu kor aad ugu kacay, iyadoona uu isla markaa xisbiga hareeyey dhaleeceeyn la xiriirta khiyaamo iyo wax isdabamaris doorashadii tijaabada aheeyd ee xubnaha xisbiga dhexdooda ay ugu tartamayeen kaalinta ay ka gelayaan liiska doorashada ee xubnaha baarlamanka, kan gobollada iyo degmooyinka, middaasina oo dalka ka dhici doonta bisha septeembar ee sannadkan.

Shakiga khiyaamada ayaa illaa hadda la sheegey in tuhun ka jiro degmooyinka Istockholm iyo Huddinge. Khiyaamada la hadal hayo ayaa la xiriirta iyadoo xisbiga ay ku soo biireen xubno cusub, hase yeeshee qidmaddii xubinnimada aanay bixin xubnihii cusbaa, ee ay jeebkooda ka biyeen xubno horay uga tirsanaa xisbiga lafahaantiisa.
Inta aan la gaarin xilliga doorashooyinka ee loogu tartamayo awoodda dalka ayey xisbiyadu caadeeysteen iney gudahooda marka hore ka sameeystaan doorasho tijaabo ah, halkaasina oo xubnaha xisbiyadu u codeeyaan cida ay jeclaan laheeyd iney u matalaan goloyaasha kala duwan ee maamulka dalka, hadday noqon lahayd tan baarlamanka, gobollada iyo degmooyinkaba.
Halkaa ayaa haddaba liiska doorashada ee xisbiyada loo kala hormariyo haddba sida ey doorashadaa tijaabada ah ugu kala adkaadaan, iyo codadka xubin walba kasbatay.
Sida ey sheegayaan heyaddaha wararka qaarkood in qaar ka mid ah xubnaha cusub ee ku soo biiray xisbiga Mudaraatka, ey ku wareejiyeen waraaqihii ay ku codeeyn lahaayeen shakhsiyaadkii xisbiga u horseeday inay xubin ka noqdaan, islamarkaana ay dhankooda qalinka ugu duugeen ruuxa ay jeclaan lahaayeen inuu doorashada tijaabada ah ku guuleeysto. Falkaasina oo loo aqoonsan yahay khiyaamo doorasho. Waana fal u garabeeynaya dadka qaarkii, sidii ay liiska doorashada kama dambeeysta ah meel sare uga geli lahaayeen, iyadoona xubin walba, xubinta ay liiska kaga sarreeyso kaga suurtagal wanaagsan tahey iney guuleeysato.

                                                                                          Kenadid.Mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".