Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
Sämre betyg i förorter

Hoos u dhac waxbarashada dhallaanka

Publicerat tisdag 16 februari 2010 kl 10.05

Tobbankii sannadood ee ugu dambeeyey, inta u dhaxeeysey 1998 illaa iyo 2008, sida ku cad tirakoob ay soo saartay heeyadda tirakoobka ee SCB, iney hoos u dhaceen shaadooyinka gudbista dugsiyada hoose dhexe ee tiradda ardeyda asal ahaan ka soo jeedda dalka dibaddiisa aaneyna u suurtagelin iney darajo wanaagsan kaga baxaan fasalka sagaalaad.

Muddadaa tobanka sannadood ah ayey hoos ugu dhaceen 76%, halka ey horey ugu ahaayeen 69% tirada dhallaanka asal ahaan ka soo jeeda dalka dibaddiisa ee aaney u suurtagelin iney dugsi sare u gudbaan. Middaasina oo ku caddeeyd baaritaan lagu sameeyey 38 xaafadood oo ey ku badan yihiin ajaaniibtu. Xaafadda Södertälje ayaa ah xaafadaha ugu liita ee ardeydu tiro ahaan aaney ku dhowaad 50%, u suurtagelin iney helaan shahaadooyin u dhigma ee loogu gudbi karo dugsiyada sare. Thomas Johansson, ahna madaxa waxbarashada ee degmada Södertälje ayaa middaa ku macneeyey dhaqaale darro. Iyo dhaqaalaha badankii oo ku baxa soo galootiga faraha badan ee degmada ku sugan, halkii lagu maalgelin lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tacliinta dhallaanka. - Waxaa jira iskuulaad ey 97 – 98% ay ardeydu asal ahaan ka soo jeedaan dalka dibaddiisa, waana mid hoos u dhigeeysa heerka tacliinta ee dhallaanka. Thomas Johansson, madaxa laanta tacliinta ee degmada Södertälje.

Kenadid.mohamed@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".