Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Tobak och unga

Dhallaanka iyo iibka tubaakada

La daabacay torsdag 11 mars 2010 kl 16.25

Waxaa sahlan in dhalinyarada da'doodu ka yar tahay 18 jir sigaar iibsadaan ,dawladda ayaa rabta in ay adkeeyso sharciga tubaakada si ay u joojiso iibinta laga iibinayo da'yarta sidaas waxaa sheegey wasiirka dadka waaweeyn iyo caafimaadka dadweeynaha Maria Larsson (KD).

Sharcigaan la soo bandhigey ayaa la sheegey in looga joojinayo iibka tubaakada dukaankii jabiyo in uu tubaakadaas ka iibiyo qof da'diisu ka hooseeyso 18 jir,mas'uuliyad weeynina waxay saaran tahay kuwa iyagu leh dukaamada tubaakada iyo sigaarka gada.

IIbiska tubaakada ayaa lagu wargalin doonaa kumuunka ,tubaako iibiyayaasha ayeyna khasab ku tahay in ay warbixin siiyaan shaqaalaha si aysan tubaako uga iibin dhallaan da'doodu ka yar tahay 18 sano ,sidaas waxaa tiri Maria Larsson (KD) wasiirka dadka waaweeyn iyo caafimaadka dadweeynaha.

Si loo baaro xakameeynta shuruudaha iibka tubaakada ayaa kumuunada iyo waliba booliisku adkeeynayaan koontaroolkeeda.

Sida ay sheegtey wasiiraddu Maria Larsson boqolkiiba 47 waxaa dhallaanka da'da yar u suuragala in ay ku guuleeystaan iibsiga tubaakada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".