Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Ensamkommande barn

Dhallaanka kali-socodka dalkaan ku yimaada iyo degmooyinka

Publicerat fredag 12 mars 2010 kl 16.12

Kummunada ama degmooyinka dalkaan ayaa loogu cagajugleeyey in haddii aysan si mutadawacnimo ah u qaadan dhallaanka soo galootiga ah ee kali socodka dalkaan ku yimaada,lagu khasbi doono kumuunadaasi in ay dhallaankaas qaataan lagana yaabo in kumuunada lagu sharciyeeyo arrintaas.

Sidaas waxaa sheegey Björk Eriksson isu-duwaha dawladda u qaabilsan arrimaha dhallaanka kali-socodka dalkaan ku yimaada iyo Tobias Billström wasiirka socdaalka.

Dhallaanka soo galootiga ah ee kali-socodka dalkaan ku yimaada ayaa ku soo siyaadey dalkaan Iswiidhan,

Sanadkaan ayaa la filayaa in ay dalkaan Iswiidhan yimaadaan in ka badan 2 500 oo ilmood ,meeshii ay qiyaastii 400 oo ilmood ka ahaayeen shan sano horteed waana tan sababtey in nidaamka qaadashadu maanta shaqeeyn waayo sidaas waxaa yiri Björn Eriksson.

Maanta ilaa iyo 800 oo dhallaan ah ayaa sugaya kummuuno qaata ,bilooyin ayeyna badanaa sugaan ilaa iyo inta looga meeleeynayo degmo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".