Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Publicistklubbenspris 2010 till Amun Abdullahi

Amuun Cabdullaahi oo ku guuleeysatey bilada xorriyad-qawlka sanadka 2010

La daabacay måndag 15 mars 2010 kl 21.30
Foto:Abukar Albadri

Amuun Cabdullaahi oo ah wariye ka tirsan idaacadda caalamiga ah ee Iswiidhan ayaa sanadkaan 2010-ka ku guuleeysatey jaa'isada xorriyad-qawlka iyo daabacaadda ee lagu xusuusto Anna Politkovskaja, uuna bixiyo naadiga wargeeysleeyda ,jaa'isadaan oo magaceeda oo buuxa loo yaqaano :

Publicistklubbens yttrande - och tryckfrihetspris till Anna Politkovskajas minne 2010.

Naadigaan ayaa markii uu ku dhawaaqey in Amuun Cabdullaahi ay ku guuleeysatey jaa'isadaas sabab uga dhigey helitaanka ay amuun jaa'isadaas ku muteeysatey:

"Dad badan oo inaga mid ah ayaa si qaldan u aaminsanaa in halganka iyo u dagaalanka xorriyad-qawlka dalkaan Iswiidhan uu ahaa mid lagu guuleeystey.Arrintaasi mid qaldan ayey aheeyd.Amuun Cabdullaahi waxay halgan iyo geesinimo firfircooni leh maalin kasta ugu jirtaa shaqadeeda.

Waxay shaqaale ka tahay idaacadda caalamiga ah ee iswiidhan ,waxayna khibrad aad u weeyn u leedahay wariyanimada ,waxyna leedahay dad badan oo ay la xiriiri karto iyo iyadoo aan ka gaban mawduucyadda xasaasiga ah.

Amun Cabdullaahi si kasta oo ay ula kulantey dad raba in ay carqaladeeyaan shaqadeeda suxufinimada ,kuna guubaabiyey in ay isaga harto shaqadeeda wariyanimo ,haddana Amun Cabdullaahi waxay aaminsan tahay in furfurnaantu ay aasaas u tahay la dagaalanka fikradaha aan asalka laheeyn ,horeyna u qaadeeyso ishdexgalka.

Naadiga xorriyad-qawlka iyo daabacaada " publicistklubben " ayaa aad ugu arka in Amuun Cabdullaahi ay si xoog leh ugu qalanto in la gudoonsiiyo jaa'isadaan lagu xasuusto Anna Politkovskaja.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".