Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Bjästavåldtäkt

Kufsigii ka dhacay deegaanka Bjästa

La daabacay fredag 26 mars 2010 kl 11.04

Deegaanka Bjästa oo ku taala meel wax yar ka baxsan magaaladda Örnsköldsvik ayaa ka shalaayey ka dib markii barnaamijka Uppdrag granskning ee ka baxa telefishinka dalkaan Iswiidhan uu soo bandhigey warbixin ka hadleeysa sida dhammaan bulshada halkaas dagani ay uga horyimaadeen gabar 14 jir sababtoo ah in ay dacweeysey oo kaliya qofkii iyada kufsiga kula kacay.

Gabadhaan 14 jirka ah ayaa sanad ka hor waxaa musqul iskuul ku kufsadey wiil 15 jir ah.

Wiilkaan ayaa waxaa xukumey maxkamadda degmada iyo tan rafcaanka labadaba laakiin sidaas oo ay tahayna dhammaan bulshadii halkaas daganeeyd oo dhan ayaa gabadhaas ka horyimid,

kuwaas oo ay ku jiraan saaxiibadeedii iskuulka la dhiganayey,macalinkii iyo waliba wadaadkii kaniisadda.

Koox gaareeysa 4 000 qof ayaa iyagoo adeegsanaya qalabka loo yaqaano Facebuug-ga waxay taageero ugu muujiyeen wiilkaas,gabadha ayaa markii looga faaloonayey facebuugaas waxaa lagu eedeeyey in ay been sheegtey ayna aheeyd " dhilo yar oo wasakh badan".

Arrintaasina waxay sababtey in ay gabadhu halkaas ka guurto.

Laakiin ka dib markii uu warbixtaas soo daayey barnaamijka uppdrag granskning,ayey dhammaan dadkii ka shalaayeen.

Facebuuggii gabadhaas wax looga sheegayey ayaa la xirey,waxaana la furey mid iyada lagu taageerayo oo ay xubno ka noqdeen ilaa iyo 30 000 oo qof muddo laba galin ku siman.

Maamulka kaniisadda ayaa la soo gaarsiiyey boqolaal ashtako oo ka dhan ah wadaadka kaniisadda ,kaas oo hadda arrintaas ka shaleeysan rabana in uu gabadha cafis ka dalbado.

Wakiilka caruurta iyo ardada ee (BEO) iyo kormeerayaasha iskuulada ayaa diiwaangaliyey sanadkii 2009-kii ilaa iyo 603 ashtako oo ku saabsan sharaf rid iyo aflagaadooyin ka dhexdhacay iskuulada gudahooda,taas oo laba jibbaar kor u kacdey marka la barbardhigo laga soo bilaabo sanadkii 2003-dii.

Badanaana ardada qaarkeed ayaa aflagaadeeya ardey kale taas oo badanaa la isu mariyo dhinacyada aaladda internet-ka ,godadka doodaha "chatt" ,sms-ka ,iyo "bloggar" oo ah buuga xusuus qorka furan ee aaladda internet-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".