Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Lag mot terrorism

Sharciga ka soo hor jeeda argagaxiska

Publicerat torsdag 3 juni 2010 kl 16.43
Sharciga ladagaalanka argagaxiska,foto: Wally antana/scanpix

Bishii april 21-keedii ayaa baarlamaanka dalkaan Iswiidhan dubaha ku dhuftey, meelna-mariyey sharci cusub oo ku saabsan ka hortagga argagixisanimada. Sharcigaan ayaa xanbaarsan in uu ciqaab mudanayo qofkii si bareer ah u guubaabiya fal argagixisninmo sida tusaale ahaan in qofku aaladda internet-ka ku faafiyo warar argagixisnimada la xiriira . Waxaa iyana sidoo kale ciqaab mudanaya qofkii kooxaha argagixisada ah dad u qora ama argagixisnimo u tababara sida tusaale ahaan in qofku bixiyo tilmaamo ku aadan habka ama siyaabaha loo sameeyo waxyaalaha qarxa oo loo adeegsado falal danbiyeedka argagixisanimada. Danbiga noocaas ah qofkii gala ayaa muteeysanaya ciqaab gaarsiisan ilaa iyo lix sanoo xarig adag ah.

Iswiidhan ayaa sharcigeeda waafajisey kan ururka midoowga yurub maadaama uu sharcigaan cusubi la saanqaadayo sharciyada ururka midooga yurub ee ka hortagga argagisisada iyo waliba sidoo kale xeer isna ka soo baxay golaha yurub. Xisbiyada isgaashaanbuureeystey ee talada dalkaan haya iyo xisbiga sooshal-dimuquraadiga ayaa taageerey meelmarinta sharcigaan cusub ,meesha ay cod ahaan uga horyimaadeen xisbiyada bidixda ee Vänster-ka iyo kan cagaaran ee miljöparti-gu,kuwaas oo sheegey in aysan jirin wax sabab ah oo sharcigaan loo qaato.Xisbiyada mucaaradkuna arrintaan weey ku kala qeeybsameen. Sharcigaan ayaa dhaqangali doona 1-da bisha december ee sanadkaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".