Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Forsmarksaktion

Warshadda quwadda korontada Forsmark

La daabacay måndag 14 juni 2010 kl 11.51
Halgamayaal ka tirsan ururka Greenpeace: Forsmarkê dager dike.

Tiro labaatameeyo gaareeysa ee ka tirsan ururka dabiicadda u halgama ee Greenpeace ayaa saaka aroornimadii si sharci darro ah ku galay bannaanbax nabdeeysan warshadda soo saarta quwadda korontada ee Nukliyarka Forsmark.

Xubnaha ururka ayaa falkaa ku dhaqaaqay iyaga oo ula jeeda codeeynta baarlamanka dalku maalinta khamiista u codeeyn doono sharciyeeynta dhismaha warshado cusub ee ku shaqeeya quwadda korontada ee Nukliyeerka. 
Halgameyaasha ayaa fuulay saqafka warshadda korontada iyaga oo isticmaalay jaranjarada gaari duq ah ee dabdamiska, islamarkaana halkaa suray boorar, sidoo kalena xirnaa dhar matalaya qorrax, dabeeyl iyo biyo. Waxaa sidoo kale war laga soo xigtay heeyadda wararka ee TT sheegtay in 15 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo xabsi loo taxaabay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".