Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Flygstrejk i morgon - 23 000 drabbas

Duuliyeyaal shaqa ka fariisan doona

La daabacay tisdag 15 juni 2010 kl 18.47
fal shaqa ka fariisi ah ee duuliyeyaasha oo saameeyn doona 23,000 oo rakaab.

Maalinta berrito ah ayuu bilaaban doonaa fal shaqa ka fariisi ah ee duuliyeyaasha dayuurraduhu ku tallaabsan doonaan, midkaasina oo saameeyn doona 23 kun oo ruux, kadib kolkii uu guuldarreeystay waanwaantii u socotay ururka duuliyeyaasha iyo shaqabixiyahoodu.

Madaxa ururka duuliyeyaasha Gunnar Mandahl ayaa qeexay shirkadaha dayuurradaha ee shaqa ka fariisigaa uu saameeynta ku yeelan doono:
– Duulimaadyada dalka gudihiisa ee shirkadaha Avia Express, Avitrans Nordic, Golden Air iyo Svenska Direktflyg, oo beritoo dhan shaqada ka fariisan doona, dhammaan inta kale ee shirkadaha dayuuradaha ee dalkan laga leeyahayna saacadaha u dhaxeeya shanta arroornimo iyo koowda duhurnimo. Shaqa ka fariisiga ey ku tallaabsan doonaan berito duuliyeyaasha dayuuraddaha ayaa laga dareemi doonaa dhammaan garoommada dayuuradaha ee dalka, iyadoona uu saameeyn doono 23 kun oo ruux. Midda ku saabsan shirkadda dayuuradaha ee SAS ayaa la baajin doonaa 107 duulimaadyo, halka ay shirkadda duulimaadka ee Malmö Aviation qasab ku tahay inay xanibto 30 duulimaad.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".