Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
Ilska efter domslut i 17-årings asylfall

Garsoorayaal maxkamadeed oo isku khilaafey in Malta qaxooti lagu celiyo

La daabacay onsdag 16 juni 2010 kl 12.21
Qaxooti somaliyeed

Garsoorayaal qaadayey maxkamadda qaxootiga Malmö ayaa maalintii shaley ku kala qeeybsamey go'aan la xiriira in dib loogu celiyo dalka Malta iyo inkale wiil soomaali ah oo 17 jir ah laguna magacaabo Abdikader Abukar Barhadles.

Sharci yaqaankii gudoominayey maxkamadda ayaa go'aankaas looga codbatey ka dib markii ay saddex garsoore isku raaceen in wiilkaas soomaaliga ah dib loogu masaafuriyo dalka Malta,sida uu qorey wargeeyska maalinlaha ah ee Dagens Nyheter.

Abdikader Abukar ayaa go'aankaas ka dib wuxuu walwal ka hayaa mustaqbalkiisa wuxuuna halis ugu jiraa in dib loogu masaafuriyo dalka Malta oo ah dalkii uu markii ugu horeeysey iska dhiibey,iyadoo loo cuskanayo xeeerka Dublin.

Xeerka Dublin ayaa dhigaya in qofka magangalyo doonka ah oo iska dhiiba dal yurub ah, ay tahay in go'aanka la xiriira arrimihiisa qaxootinimo looga gaaro isla dalkaas uu markii hore iska dhiibey laakiin uusan qofkaas qaxootiga ahi xaq u laheeyn in uu dal kaleeto oo yurub ah magangalyo weeydiisto.

Maxkamaddaas qaxootiga ee Malmö ayaa sidoo kale dhawaantaan go'aamo iska hor imaanaya ka gaartey wiil kaloo da' yar oo isna soomaali ah kaas oo dalka Malta ka yimid hal sano iyo bar ka hor .

Maxkamadda ayaa markii hore Haa ku go'aamisey in wiilkaasi qaxootinimo ka dalban karo  dalkaan Iswiidhan inkastoo ay markii danbe isla maxkamaddaasi soo saartey go'aan Maya ah oo kii hore ka hor imaanaya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".