Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Partiledardebatt

Hogaamiyayaasha xisbiyada oo doodey

La daabacay onsdag 16 juni 2010 kl 14.22
Photo: HENRIK MONTGOMERY / SCANPIX

Maanta ayey hogaamiyayaasha xisbiyadu baarlamaanka dhexdiisa ku yeesheen doodii ugu danbeeysey oo ay yeeshaan ka hor inta aan la gaarin doorashada dalkaan Iswiidhan ka dhici doonta 19-ka bisha september.

Xisbiyada talada dalkaan haya iyo kuwa mucaaradka ah ayaa doodahooda ku muujinayey sida ay u istaahilaan in ay dalka hogaamiyaan .

Ra'isal wasaare Fredrik Reinfeldt ayaa sheegey in xisbiyada talada hayaa ay dhimeen shaqa la'aanta siina wadi doonaan in ay muhimad dheeraad ah siiyaan sidii ay shirkadaha ganacsigu ku najixi lahaayeen.

Dhanka kalana Muna Sahlin oo ah hogaamiyaha xisbiga Sooshal dimuquraadiga ayaa sheegtey in arrinta ugu muhiimsani tahay shaqa abuurka siiba shaqooyinka ku wajahan dhallinyarada laakiin Reinfeldt ayey ku eedeeysey in uu wali ku sii socdo siyaasado horey loogu fashilmey.

Dooda hogaamiyayaasha xisbiyada ayaa sanad walba saddex jeer waxaa lagu qabtaa baarlamaanka dalkaan kuwaas oo dhaca bilaha janaayo ,juun iyo oktober.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".