Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Kärnkraftsja

Baarlamaanka oo ogolaadey nukliyarka

La daabacay fredag 18 juni 2010 kl 10.23

Baarlamaanka dalkaan ayaa maalintii shaley cod aqlabiyad ah ku ogolaadey meelmarinta in dalkaan Iswiidhan laga dhisi karo warshado cusub ee koronto kuna shaqeeya awooda nukliyarka,waxaana qorshaha ku jirta in la dhiso ilaa toban warshadood oo noocaas ah si ay u badalaan warshadaha dhigooda ah oo hadda dalkaan ka shaqeeya .

Soo jeedintaan ayaa 174 mudane oo ka tirsan baarlamaanku Haa ugu codeeyeen ,meesha 172 mudane Maya ugu codeeysey .

Shirkadda korontada ee EON ayaa aaminsan in go'aankaani dhabbaha u xaarayo  in dalkaan Iswiidhan laga dhiso warshada cusub oo koronto ka dhaliya awooda nukliyarka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".