Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Kronprinsessbröllopet

Arooska Victoria iyo Daniel Westling

La daabacay fredag 18 juni 2010 kl 10.55
Foto: Jonas Ekströmer/Scanpix.

Magaalada Stockholm ayaa waxaa ka socda diyaargaroowgii ugu danbeeyey maalin ka hor arooska loo dhigayo Victoria oo ah amiiradda leh dhaxalka boqortooyada dalkaan Iswiidhan iyo amiir Daniel Westling.

Xafladdaas ayaa kaniisadda Storkyrkan ka dhici doonta maalinta sabtida saacaddu marka ay tahay 15:30.

Dalkaan Iswiidhan ayaa waxaa soo gaarey dhammaan martidii ajnabiga aheeyd oo lagu casumey xafladda arooska waxaana ka mid ah marti ka socota 18 boqortooyo oo ay ka mid yihiin boqor Cabdallaha Jordan iyo xaaskiisa boqorad Rania iyo waliba ninka leh dhaxalka boqortooyada dalka Japan.

Marti gaareeysa 1 200 qof ayaa ka soo qeeyb gali doonta xafladda meherka kuwaas oo isugu jira qaraabo, asxaab, wakiilo matalaya boqortooyin kala duwan ,ganacsato ,wariyayaal iyo fanaaniin kala duwan.

Waxaa sidoo kale xafladdaas lagu casumey dublamaasiyiin kala duwan oo ay qaarkood ka socdaan dalal ay diktatooro ka taliyaan sida dalalka Nordkorea iyo Ereteriya oo ay casumaadooda canbaareeyeen mudanayaal xisbiyo kala duwan matalaya oo ka tirsan baarlamaanka dalkaan Iswiidhan.

Afhayeenka xisbiga bidixda ee Vänster-ka u qaabilsan arrimaha dibadda Hans Linde ayaa ku tilmaamey casumaada xafladdaas lagu casumey kusimaha daljiraha dawladda Ereteeriya ee Iswiidhan in ay tahay mid bani-aadminimada ka baxsan.

Dalka Ereteeriya ayaa waxaa qiyaastii muddo toban sano ah ku xiran iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin wariye Dawit Isak oo heeysta dhalashada dalkaan Iswiidhan,laakiin wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtey in si guud loogu wada casumey dhammaan safaaradaha ku sugan dalkaan Iswiidhan iyadoo aan la kala reebin si ay xafladdaas uga qeeyb qaataan .

Dhanka kale baaris la sameeyey maalin ka hor arooska amiiradda ayaa muujisey hoos u dhac ku yimid taageerada dalkaan Iswiidhan gudihiisa looga hayo qoyska boqortooyada,sida uu qorey wargeeyska Dagens Nyheter.

15 sano ka hor ilaa 70 boqolkiiba shacabka Iswiidhan ayaa taageero u hayey qoyska boqortooyada ,meesha tiradaasi maanta ka tahay 46 boqolkiiba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".