Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Sociala medier

Doorashada iyo saameeynta internet

La daabacay måndag 21 juni 2010 kl 12.23
Saameeynta bogagga internetku ku yeelan karaan isticmaalkooda doorashada dhici doonta 2010

Saameeyn intee le'eg ayey qalabka warbaahinta bulshada ee aaladda internetku, waxa lagu magacaabo sociala medier ku yeelan karaan tartanka doorashada dalka ka dhici doonta bisha septembar ee sannadka, iyadoona muddo iminka laga joogo saddex sannadood ku faafay dalka markii ugu horreeysay waxa lagu magacaabo Facebook.

Jawaabta su'aashaa waxaa bayaan ka bixinaya baaritaan idaacadda Iswiidhen wareeysiyo ku weeydiisay siyaasiyiinta ugu waaweeyn ee u sharaxan xisbiyada ee doorashada degmooyinka iyo gobollada dalku ka kooban yahay. Iyadoona aqlabiyaddoodu sheegeen iney isticmaali doonaan aaladda internetka sida Facebook, Twitter iyo waxa loo yaqaanno blogg, sidii ey siyaasaddooda ku suuq geeyn lahaayeen.
Laba daloolow saddex waxey qabaan in bogagga internet-ku kaalin baaxad leh ka qaadan doonaan tartanka doorashada, halka ey dhinaca kale qaar ka mid ah bulshada ee ku dhaqan degmooyinka Uppsala iyo Kiruna ey middaa ka shakisan yihiin. Ereyadii qaar ka mid ah:

- Waxaan akhristaa wargeeysyada, laakiin bogagga internetka ee twitter iyo facebook, u maleeyn maayo inaan wax intaa ka badan ka heli karo.

Illaa iyo hadda ma aananba eegin, war kama hayo waxa ey qoraan ama aaney qorin.

- Aqoon-farsamo uma lihi bogaggaa internetka.

- Waxaan isticmaalaa kuwa sahlan aaladda leeyska daawado ee TV-ga oo aan fiidkii daawado.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".