Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Nobelmedicin

Yoshinori Ohsumi oo ku guuleeystay biladda caafimaadka iyo fiisiyooloojiyada

Publicerat måndag 3 oktober 2016 kl 09.18
Yoshinori Ohsumi oo biladda Nobel la siinayo
(2:02 min)
2016 års Nobelpristagare i medicin: Yoshinori Ohsumi
Sawirka Yoshinori Ohsumi oo ka soo jeeda dalka Japan oo maanta looga dhawaaqay in la siinayo biladda Nobel ee daawada sannadka 201 Foto: Handout

Yoshinori Ohsumi oo ah caalin Jaban ka soo jeeda ayaa biladda Nobel ee sanandka 2016 ku guuleystey. Waxuu ka how-galaa jaamacadda Tokyo Institute of Technology.


Caalimkan waxaa lagu siiyey abaalmarinta biladda Nobel kadib markii uu baaris iyo ukuur-gel ku sameeyey awoodda maamulsha oo hagta maadado la yiraahdo autofagi, oo ah maado aas'aasi u ah burburka iyo dib u soo naalaashaha qaybaha uu ka kooban yahay unugga.

Anna Wedell, guddoomiyaha guddiga Nobel ee daawada ayaa sheegtay in Ohsumi ay ogaanshahiisa suuro-gelisay maadooyin cusub cilmi-baaris lagu sameyn karo.

Yoshinori Ohsumi oo laanta Ekot qadka telefoonka kula xiiriirtay waxna ka weydiisay dareenkiisa la xiriira in la siiyey biladda Nobel waxuu sheegay in ay soo gaartay warka ah in lagu abaalmarinayo biladda Nobel. Balse waxuu sheegay in uusan wax xiriir ah la laheyn Sweden, maadaame sida uu yeri aysan ka soconin cilmi-baaris la xiriirta daraasadda uu ku howl-yahay ee Autofogi.

 



Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".