Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Westerberg talman

Afhayeenka Baarlamnka Iswiidhen

La daabacay måndag 4 oktober 2010 kl 12.47
Af-hayeenka baarlamanka Per Westerberg. Foto: Henrik Montgomery/Scanpix

Af-hayeenkii hore ee baarlamanka Iswiidhen Per Westerberg ayaa mar kale dib loogu doortay jagadaa maanta oo isniin ah. Westerberg ayay u codeeyeen 194  halka ey 153 kalena u codeeyeen Kent Härstedt, ahaana mudane ay soo bandhigeen garabka Casaan-cagaarku. Doorashada baarlamanka ayey codadkooda ka dhiibteen 347 mudane ee xubnaha mudaneyaasha baarlamanka.

Xubnaha xisbiga Sverigedimoqoraadiga ayaan shaacin cidda ey u codeeyn lahaayeen, hase yeeshee iminka doortay sida ku cad doorashada iney taageeradooda siiyeen af-hayeenkii hore ee Per Westerberg.

Ku simaha af-hayeenka baarlamanka ayey xildhibaannadu kadib u doorteen xildhinaanadda Susanne Eberstein kana tirsan xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga.

Ulf Holm ahna xubin ka tirsan xisbiga Doogga ayaa isagan loo doortay ku simaha labaad ee af-hayeenka baarlamanka..

                                                                 Kenadid.Mohamed@sr.se

                           

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".