Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Folkrättsbrott åtal

Nin lagu eedeeyey danbiyo dagaal

La daabacay tisdag 5 oktober 2010 kl 11.30

Nin 43 jir oo heeysta dhalashada dalkaan Iswiidhan ayaa lagu soo oogey danbi ah xasuuq bani'aadan iyo ku gaboodfal dadweeyne oo ka dhacay dalka Bosnien-Hercegovia sanadkii 1992-dii.

Ninkaan danbiga lagu soo oogey ayaa lagu eedeeyey in uu dad shacab ah jirdil u geeystey iyo waliba in lagu tuhmey dad uu laayey ,kuwa uu ku takrifaley iyo in uu caawin ka geeystey in dad rayid ah lagu tunto xuquuqdooda bani'aadnimo.

Ninkaas ayaa danbiyada uu geeystey waxaa muddo dheer baaritaan ku haysey hay'adda Iswiidhishka ee qaabilsan danbiyada goobaha dagaalka lagu galo "Svenska krigsbrottskommisonen " taas oo la dhisey sanadkii 2008-dii.

Hay'addaan qaabilsan danbiyada dagaalada lagu galo ayaa sanad walba hay'adda socdaalku u soo gudbisaa 20 ilaa 30 qof oo raad ku lahaa danbiyo dagaal oo ay geeysteen ama ka qeeybqaateen.

Bishii april ee sanadkaan ayaa waxaa la qabtey nin danbiyo dagaal ka geeystey dalka Kosovo dhammaadkii sagaashameeyaddii.

Laanta danbi baarista booliiska dalkaan ayaan ka faaloon in ay jiraan baaritaano kale oo hadda socda, raadna ku leh dad lagu tuhunsan yahay danbiyo dagaal oo ay dagaalo ka soo geeysteen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".