Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Nya ministrar

Dawladda Cusub ee Iswiidhen

La daabacay tisdag 5 oktober 2010 kl 15.48
Raysal wasaare Fredrik Reinfeldt oo ka hadlaya baarlamaanka. Foto: Fredrik Persson/Scanpix

Boqorka dalkaan Iswiidhan Carl Gustaf-ka 16-naad ayaa si rasmi ah u furey hawsha baarlamaanka ee 2010-2011.

Boqorku markuu baarlamaanka furey ka dib, ayaa waxaa hadal dheer baarlamaanka hortiisa  ka soo jeediyey raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt oo soo bandhigey siyaasadda guud ee ay dawladdiisu ku socon doonta afarta sano ee soo socota.

Raysal wasaare Reinfeldt ayaa sidoo kale baarlamaanka hortiisa ka akhriyey golaha wasiirada ee ay dawladdiisu ka koobnaan doonto,waxaana muuqadata in dawladdiisu tahay mid ku kooban oo kaliya afarta xisbi ee ku midoobey garabka Alliensi-ga.

Reinfeldt ayaa ku dhawaaqey wasaarad cusub oo uu ku soo siyaadiyey golihiisa wasaaradda taas oo ah wasaaradda horumarinta miyiga "Landsbygdsdepartment".

Raysal wasaare ku xigeen ayaa loo magacaabey Jan Björklund oo isla markaana sii ahaan doona wasiirka waxbarashada oo uu horey u ahaa.

Wasaaraddii is-dhexgalka oo ay madaxda ka ahaan jirtey Nyamko Sabuni ayaa la baabi'iyey waxaana hawlihii ay wasaaraddaasi qaban jirtey  la hoos keeney wasaaradda shaqada.

Nyamko Sabuni ayaa loo magacaabey wasiirka sinaanta iyo ku simaha wasiirka tacliinta,waxayna hoos imaan doonta wasiirka tacliinta.

Eski Erlandsson ayaa wasiir ka noqon doona wasaaradda cusub ee dalkaan  laga sameeyey taas oo ah wasaaradda horumarinta miyiga.

Dawladda ayaa waxaa lagu soo darey todoba wasiir oo cusub ,waxayna kala yihiin :

1) Ulf Kristersson (m) oo noqon doona wasiirka caymiska bulshada.

2) Hillevi Engström (M) oo noqon doona wasiirka  shaqada.

3) Catrina Elmsäter-Svärd (M) oo noqon doonta wasiirka kaabayaasha "infrastrukturminister".

4) Anna Karin Hatt (c) oo noqon doona wasiirka internet-ka iyo gobolada.

5 ) Peter Norman ( M ) ayaa isna noqon doona wasiirka suuqa baacmushtarka "finansmarknadsminister".

6) Erik Ullenhag (FP) ayaa noqon doona  wasiirka  isdhexgalka.

7) Stefan Attefall (KD) ayaa noqon doona wasiirka hawlaha guud iyo guriyeenta.

Dawladdaan uu raysal wasaare Reinfeldt imminka soo magacaabey ayaa ah dawladdii labaad ee uu soo dhiso ,waxaana dawladda laga saarey afar wasiir oo iyagu horey uga tirsanaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".