Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Nya regeringen

Golaha Wasiirrada Iswiidhen

Publicerat onsdag 6 oktober 2010 kl 09.53

Golaha dawladda Iswiidhen ee uu shaleyto soo ban-dhigay madaxa dawladda Iswiidhen Fredrik Reinfeldt ayaa noqday xubnaha golaha ugu tirada badan ee waddammada Yurub. Reinfeldt ayaa dawladda uu soo dhisay ku xaliyay maadaama xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay ee Mudaraatku ay taageeradiisu aad kor ugu kacday, islamarkaana sidii uu xisbiyada garabka midig ee ey xulufada yihiin ugu sii haysan lahaayeen tiradii jagada wasiirrada.

Xisbiyada garabka Isku-tagga Iswiidhen oo marka laga reebo xisbiga Mudaraatka ey taageeradoodu hoos uga dhacday doorashadii middaan ka horreeysay ee 2006, hase yeeshee loo daayay tiradii xubnaha ee ey golaha wasiirrada ku lahaayeen. Xisbiga Shacabka Fp afar, xisbiga Dhexe C afar iyo xisbiga Kristendimoqoraadiga saddex, halka xisbiga Mudaraatku kaalin u qaatay 13 wasiir, halkii uu horay u lahaa 11.

Xisbiga Mudaraatka ayaa awooddiisa golaha wasiirrada kor u sii qaaday sidoo kale hantayna laba wasaarradood oo hor leh oo dhumucna ku leh golaha dawladda, kuwaasina oo kala ah: Wasaaradda suuqa baayacmushtarka iyo wasaaradda kaabeyaasha ”infrastruktur” oo ey horay kuraastaa u fadhiyeen xubno ka tirsan xisbiyada Kristendimoqoraadiga iyo xisbiga Dhexe ee Centerka.

Jan Björklund, hogaamiyaha xisbiga Shacabka ayaa sido kale loo magacaabay ku xigeenka ra’iiselwasaaraha, middaasina oo uu kala wareegay hogaamiyaha xisbiga Dhexe Maud Olofsson, ey hoos u dhacday taageeradii xisbigeedu iyo sidoo kale in wasaaraddeeda laga jaray waaxda shirkadaha qaranka laguna wareejiyay masuuliyaddaa wasaaradda maaliyadda. Nyamko Sabuni ayaa sidoo kale laga wareejiyay wasaardda is-dhexgalka loona dhiibay wasaaradda sinnaanta lana hoos geeyay wasaaradda tacliinta. Peter Norman (M), oo aan horay siyaasadda shaqa ugu lahayn ayaa loo magacaabay wasaaradda wasiirka wasaaradda suuqa baayac-mushtarka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".