Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Billström vill se över anhöriginvandring

Wasiirka socdaalka oo Shaki muujiyay

La daabacay torsdag 7 oktober 2010 kl 16.34
"Waa inaan dib u eegno xaaladda qooysaska soomaalida".Tobias Billström. Foto: Henrik Montgomery/Scanpix

Wasiirka socdaalka Tobias Billström ayaa idaacadda wararka ee Ekot oo beryahanba hadal haysay qaraabada soomaalida dalkan ku dhaqan ee lagu adkeeyay sidii dhallaankooda loogu keeni lahaa uu wasiirku sheegay in uu ku fakarayo sidii sharciga wax looga badali lahaa, looguna sahli lahaa in ehelkooda loo keeno:

- Xaaladdu sida ay iminka tahay waa mid loo baahan yahay in dib loogu noqdo iyo haddii baahiyo jirto sidii wax looga bedeli lahaa. Sida uu sheegay Tobias Billström, ahna wasiirka socdaalka.

Laga soo bilaabo bishii maarso ee sanadkan 2010-ka ayaa waxaa la adkeeyey in soomaalida dalkan ku dhaqan kuna leh deggenaanshaha loo keeno eheladooda dibadda uga maqan, haddey noqon lahaayeen dhallaankooda, seeygiisa, seeygeeda iyo wixii la mid ah. Mar wasiirka la weeydiiyey isbedelkan sida uu u muuqan karo iyo in shuruuddan baasaboorka laga qaado soomaalida, maadaama aannu jirin baasaboor soomaaliya ee dalkani ictiraafsan yahay ayuu ku jawaabay: – Inaan ka hordagno maaha amuurtaa. Waa inaan eegno kana xaajoonno su’aashaa maadaama dhibaatadaa iminka nalagu soo war-geliyey. Tusaale ahaan waxaa soomaalida ku adag iney xaqiijiyaan cidda ey yihiin ama u dhasheen iyo iney la yimaadaan baasaboor dalkani aqoonsan yahay. Laga soo bilaabo bishii maarso ee sannadkan ayey 1073 ilmo soomaaliyeed soo dalbadeen sidey waalidiintood oo dalkan ku dhaqan ula midoobi lahaayeen, iyadoona badankood heleen diidmo 99%, sida ey sheegtay idaacadda wararka ee Ekot.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".