Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
debatt SD mot Vänsterpartiet

Ohly oo Dood La Galay SD

La daabacay fredag 8 oktober 2010 kl 15.59
Jimmie Åkesson (SD) iyo Lars Ohly (V) oo dood ku kulmay markii ugu horreeysay. Foto: Pontus Lundahl/Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Markii ugu horreeysay ee sannadka ayuu hogaamiye ka socda xisbiyada kale dood isaga hor yimaadeen hogaamiyaha xisbiga Sverigedimoqoraadiga. Doodaasina oo shalayto ka dhacday idaacadda la iska dhageeysto ee Studio Ett ee P1. Dooddaa ayuu la galay hogaamiyaha xisbiga Bidixda ee Vänster Lars Ohly, kuna eedeeyay xisbiga SD filmkii xayeeysiinta ee xisbigaasi doorashada intii lagu jiray is barbar dhigay ajaaniibta in la joojiyo iyo waayeelka in la joojiyo.

- Filimkan waxaan ugu talo-galnay inaan ku bayaaninno dhinac soo-galootiga tirada badan iyo dhinaca kale hab-nolol wadaagga dalka. Mana aha wax labadaba la isku heli karo, sida uu sheegay Jimmie Åkesson. 

- Waa filin intii cunsuriyadi jirto noqon kara mid laga lumi karana maaha. Waxayna iila muuqataa arrin wanaagsan in xisbiga SD uu sawirkiisa dhabta la soo baxay, kuna taagan weli aragti aad u xun kalana faqooqeeysa mujtamaca. Waana siyaasadda fulaynimada ku dhisan ee xisbiga SD, sida uu sheegay Lars Ohly, hogaamiyaha xisbiga Bidixda.

                                                            Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".