Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Culimo Ku Guuleeysatay Nobeelka

La daabacay måndag 11 oktober 2010 kl 16.00
Biladda Nobeelka

Saddexda caalin ee labana u dhalatay Ingiriiska, midka kalena uu yahay dhaqaale yahan ingiriis asal ahaan ka soo jeeda dalka Qubrus, oo la gudoonsiiyay biladda Nobeelka ee dhaqaalaha, iyadoo middaa lagu macneeyay cilmi-baarista iyo hagaajinta ey ku sameeyeen baaridda habka hoowl-qabashadu u shaqeeyso ee seeyladda, tusaale ahaan suuqa shaqada oo shaqooyin ka bannaan yihiin islamarkaana shaqa la’aan ey dadka qaarkii ku sugan yihiin.

Culimadan saddexda ah oo qeeybsan doona biladda Nobeelka ee dhaqaalaha iyo abaal-marinta tobanka malyuun ee koron ayaa kala ah: Peter A. Diamond, muwaadin mareeykan ah. Dhashay sannadkii 1940
(70 jir).  Professor, cilmiga dhaqaalaha, kana hoowl-gala machadka teknoloojiyada (MIT), Cambridge, MA, USA. Dale T. Mortensen, muwaadin mareeykan ah. Dhashay sannadkii. Född 1939. (71 jir) . Professar cilmiga dhaqaalaha, kana howl-gala jaamicadda Northwestern, Evanston, IL, USA. Christopher A. Pissarides, muwaadin haysta dhalashada ingiriiska iyo Qubrus. Dhashay sannadkii 1948. Professar cilmiga dhaqaalaha, islamarkaana ku fadhiya kursiga darajada dhaqaalaha ee Norman Sosnow dhammaantoodna ku yaala iskuulka dhaqaalaha iyo cilmiga siyaasadda ee magaalada London, cariga Boqortooyada Ingiriiska.

Baaritaanka culimmadan ayaa la xiriira caqabadaha

hor-taagan iney markiiba is helaan iibsadaha iyo iibiyaha ku kala sugan suuqyo kala duwan. Tusaale ahaan waxaa ka mid noqon kara shaqa-raadiyaha iyo shaqa-doonka iibiyaha iyo iibsadaha guryaha.

Naqshadda caalimmada ayaa la xiriira sharax ey ka bixiyaan gaabiska la soo gudboonaada suuqa shaqada iyo sida nidaamka mushaarka iyo gunnadu u saameeyaan horumarkooda is-bedel. Qiimaha uu ku fadhiyo baaritaanka culimmada ayuu ku macneeyay

Bertil Holmlund ahna professar dhaqaalaha qaranka, ahna madaxa guddiga abaarlmrinta billaddan.

- Guud ahaan waxay ku saabsan tahay iney soo bandhigeen qalabkii loo adeegsan lahaa. Qaab lagu tijaabiyo su’aalaha la xiriira heerka shaqa la’aanta iyo horumarka dhow. Kadib waxaa la arkay ama soo baxay natiijooyin kala duwan. Matalan in qidmadda sareeysa ee sanduuqa shaqa la’aantu nooc saameeyn ah ku yeesho shaqa la’aanta. Waxaa sidoo kale la isticmaali karaa aragtidan sidii loo fahmi kari lahaa xeerka xuquuqda shaqaalaha u saameeyo shaqaaleeynta iyo shaqa ka eryidda.

Biladda abaalmarinta ee Nobeelka ayaa la aas-aasay sannadkii 1968, iyadoona uu sannadkaa bangigii ugu horreeyay caalamku bankiga qaranka ee dalku 300 jirsaday.

Abaal-marinta biladda Nobeelka ee dhaqaalaha iyo kuwa dhigeeda ah ayuu sannad walba 10-ka bisha diseembar ku qeeybiya boqor Carl Gustaf-ka dalka aqalka xafladaha ee magaalada Istockholm.

                                                           Kenadid.Mohamed@sr.se 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".