Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
nya läroplanen

Barashada Diimaha ee Dhallaanka

La daabacay måndag 11 oktober 2010 kl 17.26
Jan Björklund "waa diin 1000 sannadood saameeysay dhaqanka". Foto: Henrik Montgomery/Scanpix.

Manhajka cusub ee iskuullada ayay dawladdu go’aansatay khamiistii ina dhaaftay in barashada diinta Masiixiga loo daayo kaalinta ay hadda leedahay ahna kaalin ka ballaaran diimaha kale, iyadoona uu manhajkaa maanta shir jaraa’id ku soo bandhigay Jan Björklund, wasiirka waxbarashada (Fp).
Maria Weståker ahna la-taliye dhanka waxbarashada ee heeyadda maamulka iskuullada, ayaa u aragta in go’aankaasi yahay mid aan wanaagsaneeyn.

- Dhinac marka laga eego waxaannu ku noollahay bulsho leh dhaqammo kala duwan. Waxaa jirta in fasal walba ee dalka dhammaantii ey ku jiraan arday asal ahaan ka soo jeedda dalka dibaddiisa, iyo midda labaad  ardaydu uma laha aqoon ballaaran diimaha kale ee ka baxsan tan ey waayo-aragnimada u leeyihiin.

Maanta ma jiraan go’aan cad ee la xiriira baaxadda aqoonta ardayga looga baahan yahay inuu ka barto diimaha kale, sida ay sheegtay Maria Weståker. Sidaa daraadeed hoos u dhac ku yimaado aqoonta dhallaanka.
Iyadoona uu wasiirka tacliintu Jan Björklund (fp) iskaga difaacay fikirkaa sidan:

1000-kii sannadood ee ugu dambeeyey waxay diinta masiixigu ahayd mid saameeyn aqlabiyad ku lahayd dhismaha bulshada, dhaqanka soo jireenka ah, kan

hab-dhaqameed. Waana qeeyb ka mid dhaqanka sooyaalka ee dalka Iswiidhen. Sidaa daraadeed ayaan ula jeednaa in middaa halkeedii laga sii wado, lana siiyo fiiro gaar ah iyo in barashada diinta masiixiga la siiyo muddo ka badan barashada diimaha kale.

Björklund ayaaney sidoo kale ula muuqan inay jirto cabsi laga qabo in waalidiinta ka soo jeeda ama heeysta diimo kale ey u dooraan dhallaankooda iskuullada diimmaha ee madaxa bannaan.

- Manhajka iskuulka waa mid ey ardayda oo dhammi ka siman yihiin. Sidaa daraadeed waxay iila muuqataa muhiimad in haddii ruuxu dalka yimaado, ey u ekaan lahayd wax aan caqliga geli karin in aan ilmaha ajaaniibta la barain dhaqanka soo jireenka ee dalka, waxaase xaqiiqdu tahay iney u baahan yihiin, maadaama ey u sahleeyso is-dhex-galka, sida uu sheegay Jan Björklund.

Robert Mann waa macalin dhiga maadada diinta, wuxuuna qabaa inay wanaagsan tahay sida ay tahay iyo in dhallaanka muddo ka badan la siiyo barashada diinta masiixiga, maadaama badankood dhallaanka halka ku dhaqan ay diinta masiixigu tahay diinta ey wax ka garanayaan iyo iney wax yar ka yaqaanaan diimaha kale:

- Waxba ka garan mayaan. Wax badan waxaa ay ku xiran tahay aqoonta ey marka horaba u leeyihiin maadaama ey ku soo bar-baareen dhaqan uu saameeyn ballaaran ku sameeyay fikirka ay xambaarsan tahay diinta msiixigu, iyo sidoo kale iney wax badan ka akhristeen diinta masiixiga marka loo barbar dhigo diimaha kale kolka ey soo gaaraan dugsiyada Dhexe. Umana arko iney dhibaato tahay.

- Waxaan kaloo ku fekerayaa inay adag tahay arday ahaan inaan fahmo fikirrada ey diimaha kale xambaarsan yihiin, haddii aanan fahmin dhaqanka iigu dhow bulshada aan ku dhex noolahay.

Waa fikir ay dhici karto in aan laga mideeysneyn. Jenny waxay si ku meel gaar ah uga hoowl-gashaa isla iskuulka. Waana ardayad barata culuunta diinta:

- Waxaan qabaa in diimaha oo dhan la simo. In la siiyo wakhti isku mid ah barashada diimaha. In la kala saaro iskuulka iyo diinta, waxaan ula jeedaa in aan diinta masiixigu hareeynin, iyada oo middaa lagu macneeynayo maadaama aanu dhaxal ahaan u leenahey. Maanta waxaannu ku dhaqannahay bulshooyin kala duwan. Waa in marka suurtagal loo siiyaa dhammaan sidaan ku baran laheyn diimo kala duwan.

                                                            Kenadid.Mohamed@sr.se

Xaqiiq

Manhajka iskuullada ee dalkan Iswiidhen waa mid ay dawladdu soo bandhigto waajibna tahay in la raaco. Manhajka ayaa soo mara heeyado iyo goobo ku shaqo leh ee talooyin ka soo bixiya, mana aha xeer loo baahan yahay in baarlamanku dubbaha ku dhufto ama u codeeyo.

Nidaamka wax-barasho ee dalkan Iswiidhen ayaa leh  saddex nooc ee manhaj: Mid lagu hago xannaanada, mid lagu hago dugsiyada qasabka ee Hoose/dhexe iyo kan dugsiyada sare. 

Dugsiyada hoose/dhexe ayaa loo sameeyay manhaj sannadihii 1962, 1969, 1980 iyo 1994.

Manhajka maanta la isticmaalaana wuxuu ka soo jeedaa, Lpf94, sannadkii 1994 iyadoona maanta la soo ban-dhigay Lgr11.

Isha: heeyadda iskuullada Skolverket

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".