Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Budget 2011

Miisaaniyadda oo la soo bandhigay

Publicerat tisdag 12 oktober 2010 kl 09.53
Wasiirka miisaaniyadda Anders Borg iyo miisaaniyadda 2011-ka . Foto: Fredrik Sandberg/Scanpix.

Dawladda ayaa maanta soo bandhigtey missaaniyadda sanadka 2011-ka taas oo ay xoogga ku saareeyso sidii dadku shaqo ku  wadaheli lahaayeen, fikirkaasina waa mid aan cusbeeyn oo ay doorashada ku galeen xisbiyada talada dalkaan haya ee Alliansi-ga .

Miisaaniyadda ayaa waxaa soo bandhigey wasiirka miisaaniyadda Anders Borg ,isla maanta ayaana baarlamaanku ka doodi doonaa miisaaniyaddaan ay dawladdu soo jeedisey.

Dawladda ayaa rabta in ay degmooyinka dalkaan ku maalgaliso lacag dhan 13 milyaardar oo karoon taas oo saddex milyaardar oo karoon oo lacagtaas ka mid ah loogu talagaley dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Lacag dhan laba milyaardar iyo bar karoon ayaa laga dhimmi doonaa canshuuraha laga qaado dadka hawlgabka ah,waxaa iyana dib loo dhigey qidmad dheeraad ah oo laga dhimo mushaarada shaqaalaha oo ah waxa loo yaqaano "jobskatteavdrag" balse taas la hirgalin doona mustaqbalka haddii duruuftu saamaxdo,sida ay dawladdu sheegtey.

Lacag dhan 500 oo malyan oo karoon ayaa lagu maalgalin doonaa arrimaha caafimaadka si loo siyaadiyo qaabka qaabilaadda rugaha caafimaadka iyo siyaadinta tayadooda.

500 oo milyan oo karoon ayaa iyana loo qoondeeyey arrimaha dhaqanka iyo ciyaaraha.

- Waa farriin aan horay ugu dirnay inaannu dooneeyno is-bedello inaan ka sameeyno dhanka shaqaalaha xafiisyada, dhimista qidmadda mushaarooyinka, waxaa sidoo kale jira tallaabooyin laga fekeri karo. Hase yeeshee maaha kuwo aan ku khal-khal gelinayo deggenaanshaha miisaaniyadda sidii aan tallaabooyinkaa ku fulin lahaa. Muhiimadda ugu weyn waxay tahay inaannu dib ugu soo noqono xaalad deggan ee miisaaniyadeed, markaa ayaan ka wada hadli karnaa waxyaabo kale, Anders Borg wasiirka dhaqaalaha.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".