Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Alliansen och rödgröna överens om kvittning

Nidaamka Isu Gooynta ee Codeeynta

La daabacay tisdag 12 oktober 2010 kl 19.30
Aqalka mudaneyaasha baarlamanka.

Xisbiyada labada garab ee Isku-tagga Iswiidhen iyo garabka Casaan-cagaarka ee baarlamanka ayaa heshiis ey u dhan yihiin ku gaaray inuu halkiisii ka sii socdo habka lagu magacaabo isu gooyn. Nidaamka isu gooyn ayuu macnihiisu yahay haddii uu xilliga uu baarlamanka ka dhacayo codeeyn uu xubin ka mid ah dhan ka maqan yahay dhan kalena mudane laga jaro.

Waana mid dhalineeysa in garabka Isku-taggu mar walba dheeraan doono 17 xil-dhibaan garabka Casaan-cagaarka. Hase yeeshee xisbiga Sverigedemokarat-ka ayaan heshiiskaa laga qeeyb gelin. Haddii uu xisbigaa xil-dhibaan ka maqnaadana uu halkaa xisbigu cod ku waayi doono. Middaa ayaa u sahleeysa dawladda iminka jirta inay si ka sahlan aqlabiyad ugu guuleeysato codeeynta baarlamanka, halkii ay kaga adkaan lahayd haddii aannu heshiiskaasi jiri lahayn.  

Haddii ey ugu yaraan saddex xildhibaan ee ka tirsan xisbiga SD xilliga codeeynta ka maqnaadaan xarunta baarlamanka waxaa si toos ah aqlabiyad ku yeelanaya xisbiyada ku bahoobay garabka midig.

Waa midda dhalisay in xisbiyada garabka Casaan-cagaarku ka doodaan in nidaamkaa gabigiisba la baabi’iyo, halka ugu dambeeyntii ey go’aansadeen xisbiyada garabkaa ku midoobay iney heshiis ku wada gaaraan garabka Isku-tagga.
Sven Erik Österberg waa madaxa xil-dhibaannada baarlamanka u matala xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga:

- Waa sida ay doorashadii dalka ka dhacday bulshada iswiidhishku go’aamisay iney ahaato, iney 17 xil-dhibaan is dheeraadaan labada garab. Waa mid aan u aragno in sidaa loo ogolaado. Ma aha inay noqoto wax kedis ku dhaca haddii tusaale ahaan uu ruux xannuunsado iyo wixii la mid ah. Xaalad kedis ku timid maaha inay hogaamiso dhabbada siyaasadda ee dalka lagu hago. Waa in dhabbada siyaasadda ay hogaamiso rabitaanka bulshada codeeysay, sida uu sheegay Österberg war aannu ka soo xigannay idaacadda wararka ee Ekot.

                                                             Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".