Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Bodström får inte ledigt från riksdagen

Bodström oo Fasax Loo Diiday

La daabacay onsdag 13 oktober 2010 kl 19.11
Thomas Bodström, wasiirkii hore ee cadaaladda dawladdii Persson.

Wasiirkii hore ee cadaaladda Thomas Bodström, ahan xubin ka tirsan xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga  ayaa la sheegay in aan loo ogolaan doonin codsigiisii la xiriiray fasaxa dhallaanka, sida uu sheegay hogaamiyaha xildhibaannada baarlamanka kaga jira xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga Sven-Erik Österberg.

Bodström ayaa fasax u dalbaday mid ka mid ah dhallaankiisa muddo uu fasax ugu maqan yahay isaga iyo reerkiisa dalka Mareeykanka. Gelinkii hore ee maanta ayey middaa kulan ka yeesheen af-hayeenka baarlamanka iyo madaxda xildhibaannada baarlamanka kaga jira xisbiyada.

Heeyadda ceeymiska war laga soo xigtay ayaa sheegaya in Bodström uu xaq u leeyahay oo keliya fasax 20%. Sida caadiga ayuu baarlamanku xadeeyaa fasaxyada mushaar la'aanta ah.

- madaxda kooxaha xildhibaannada baarlamanka ee xisbiyada ayaa middaa ka soo hor-jeestay in fasaxaa la ogolaado, maadaama aan fasaxa badankii ahayn mid dhallaan loo qaatay, islamarkaana lagu qaato dhaqaalaha dhallaanka marka hooyga lagu hayo. Qeeyb ahaanna looma fasax-qaato, sidaa daraadeed ayuu fasaxani bannaanka ka yahay caadooyinka, sida go'aanka lagu gaaray. Warsaxaafeed ka soo baxay af-hayeenka baarlamanka Per Westerberg, laguna soo daabacay bogga internetka ee baarlamanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".