Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Lärareförbundet och lägenheter

Musuqa iyo guryaha ururka macalimiinta

La daabacay torsdag 14 oktober 2010 kl 11.41

Gurya badan oo ka mid ah guryahay uu bartamaha magaalada stockholm ku leeyahay ururka macalimiinta ee loo yaqaano Lärarförbundet ,ayaan laga diiwaan galin ama la geeyn shirkadda dalaalka guryaha sida uu dhigayo sharciga u yaala ururka macalimiinta .

Guryahaas ayaa taas badalkeeda waxaa la siiyaa dad qaraabo la ah ama wax ku leh shirkad uu ururka macalimiintu u xilsaarey in ay maamusho guryahaas ururku leeyahay.

Madaxa shirkadda Stadsmuren oo iyadu maamusha guryaha ururka macalimiinta,Peter White ayaa idaacadda wararka ee Ekot u sheegey in dhammaan guryaha la siiyey dad qaraabada la ah shaqaalaha shirkaddooda  Stadsmuren, uu ogolaadey qof ka shaqeeya ururka macalimiinta laakiin hadalkaas mas'uulku sheegey ayaa la beeniyey.

Ururka macalimiinta ayaa hadda baari doona sida loo bixiyey guryaha  ururkaasi ku leeyahay bartamaha magaaladda Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".