Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Afganistandöd

Askari lagu diley dalka Afgaanistaan

La daabacay måndag 18 oktober 2010 kl 10.34
Askari lagu diley dalka Afgaanistaan.AP Photo/Abdul Khaleq

Askari kale oo Iswiidhish ah ayaa maanlintii sabtida lagu diley dalka Afgaanistaan ka dib markii miino ay kula qaraxdey gaari gaashaaman oo ay askarta Iswiidhishku saarnaayeen ,kaas oo marayey meel u dhow xerada ciidamada dalkaani ku leeyihiin agagaarka magaalada Mazar-i-Sharif oo ku taala woqooyiga dalka Afgaanistaan.

Askarigaan dhintey ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Kenneth Wallin,wuxuuna ahaa 22 jir ka soo jeeda magaalada Stockholm,waxaa sidoo kale isla goobtaas dhaawac fududi ka soo gaarey laba askari oo iyaguna u dhashey dalkaan Iswiidhan.

Askarigaan ku dhintey dalka Afgaanistaan ayaa ilaa shan ku noqonaya askarta Iswiidhishka ah oo ilaa hadda ku dhimatey dalka Afgaanistaan intii ay dalka hawsha nabad ilaalinta uga jireen.

Dawladda ayaa bisha november waxay soo gudbin doontaa soo jeedinteeda ku saabsan in ciidamada Iswiidhishka ka jooga dalka Afgaanistaan ay sii wadi doonaan hawshooda milatari oo ay ku hoos yimaadan ciidamada gaashaanbuurta Nato ee loo yaqaano Isaf.

Xisbiyada mucaaradka ee casaan/cagaarka ayaa raba in ciidamada Iswiidhishka ka jooga dalka Afgaanistaan laga soo qaado halkaas sanadka soo socda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".