Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Blårödkoalition i Tomelilla

Xisbiyada M iyo S iyo degmada Tomelilla

La daabacay måndag 18 oktober 2010 kl 16.17

Xisbiyada Modaraatka iyo Sooshaldimoqoraadi-ga ee degmada Tomelilla oo ka tirsan gobolka Skåne ayaa go'aan ku gaarey in ay degmadaas si wadajir ah u maamulaan afarta sano ee soo socota.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii ismariwaa ka dhacay maamulka dagmadaas doorashadii dalkaan ka dhacdey ka dib.

Labadaan xisbi ayaa heshiiskooda ka dib ,waxay baarlamaanka dagmadaas ku heeystaan aqlabiyad buuxda oo dhan 22 xildhibaan ,taas oo xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemoqoraati-ga ka hor istaageeysa in uu wax raad ah ku yeesho siyaasadda dagmadaas.

Heshiiskaan maamul wadaaga ah ee ay wadagaareen labadaan xisbi ee casaanka (S) iyo buluuga (M) ayaa waxaa lagu ansixiyey shir ay fasaxii usbuuca yeesheen xubnaha xisbiyaas ka tirsan,sida ay qorey wargeeyska Ystads Allehanda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".