Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
CSN återkrav

CSN-ka iyo ardey lacago ka qaadatey

La daabacay måndag 18 oktober 2010 kl 16.46
Foto: Frida Fernqvist/SR Gotland

Baaritaan dheer oo ay hadda sameeysey hay'adda CSN-ka "Centrala studiestödsnamden" ee ardada lacagaha deeymisa,ayey qiyaastii 4 400 qof lacagihii ay qaateen ka dalbatey in ay dib u soo celiyaan.

Dadkaas ayaa lacagahaas qaatey sanadkii 2009-ka,xataa iyagoo aan si buuxda waxbarasho ugu jirin,sida ay sheegtey hay'adda CSN-ku.

Dadkaas ayaa hadda laga rabaa in ay soo celiyaan lacago u dhexeeya 600 oo karoon ilaa iyo 40 000 oo karoon.

300 oo qof ayaa booliiska lagu dacweeyey ka dib markii lagu tuhmey in ay galeen danbiyo la xiriira lacago ay si sharci darro ah ku qaateen.

Baaritaankaan ayaa waxaa guud ahaan lagu sameeyey 250 000 oo ardey kuwaas oo dhigta waxbarashada heerka jaamici.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".