Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
MRdelegation

Iswiidhan iyo xuquuqda bani'aadamka

La daabacay tisdag 19 oktober 2010 kl 11.19

Gole ama guurti qaabilsan arrimaha xuquuqda bani'aadamka ayaa dawladda dalkaan Iswiidhan u soo jeediyey,qoraal ahaana ugu soo gudbiyey in dalkaan loo sameeyo hay'ad u qaabilsanaata difaaca arrimaha xuquuqda bani'aadamka ee gudaha dalkaan.

Golahaan qaabilsan arrimaha xuquuqda bani'aadmiga ayaa waxaa la dhisey bishii maarso ee sanadkii 2006-dii, Kaas oo ujeedada loo dhisey ay aheeyd sidii uu hay'adaha dawladda ,kuwa degmooyinka iyo kuwa qaabilsan arrimaha daryeelkaba ugu baraarujin lahaa dhawrista xuquuqda bani'aadamka,sidoo kalana bulshada guud ahaan looga jaahil bixin lahaa ahamiyadda ay leedahay dhawritaanka  xuquuqda qeeybaha kala duwan ee bulshada.

Hawsha golahaan ayaa soo gabagaboowdey bishii maarso sanadkii 2010-ka,laakiin isla sanadkaas ayaa dawladda dalkaani waxay golahaas u xilsaartey in ay sameeyaan baaritaan dhankaas ku saabsan,ka dibna talooyinkooda dawladda u soo gudbiyaan,waana tan uu imminka golahaasi ka soo dhalaaley,warbixin qoraal ahna dawladda ugu gudbiyey, kulana taliyey in dalkaa Iswiidhan loo dhiso hay'ad u qaabilsanaata dhawridda arrimaha xuquuqda bani'aadamka ee dalkaan gudihiisa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".