Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Malmö skottlossning

Malmö iyo rag rasaas lagu furey

La daabacay onsdag 20 oktober 2010 kl 11.52
Booliiska oo raadbaaraya rasaasta ka dhacdey Malmö. Foto: Stig-Åke Jönsson/Scanpix.

Saddex qof ayaa dhawaacyo halis ahi waxay ka soo gaareen dhawr dhacdoo kala duwan oo rasaas dad loogu furey magaalada Malmö ee koonfurta dalkaan Iswiidhan.

Nin 19 jir ah ayaa dhacdooyinkaas loo qabtey waxaana lagu tuhmey in uu geeystey isku day dil.

Saddexdaan nin oo dhaawacantey ayey da'doodu u dhaxeeysaa 22 jir ilaa iyo 29 jir ,dhaawaca soo gaareyna waa mid aad iyo aad u culus.

Dhallinyaradaan la dhaawacey ayaan aheeyn kuwa uu booliisku horey u yiqiin,booliiskuna ma arkaan in uu jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya rasaastaas ka dhacdey goobaha kala duwan ee magaalada Malmö.

Dhacdadaan ka hor ayaa booliiska magaalada Malmö wuxuu baaritaano ku hayey 13 fal oo isla magaaladaas ka dhacay kuwaas oo laxirrira xabado dad lagu furey aanse la garaneeyn sababta ka danbeeysa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".