Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Anna Lindhs vård och utländska experter

Baaritaan la xiriira Anna Lindh

La daabacay onsdag 20 oktober 2010 kl 15.43
Anna Lindh wasiiraddii horee dalkaan Iswiidhan.Foto: Fredrik Sandberg/Scanpix

Hay'adda arrimaha bulshada "Socialstyrelsen" ayaa baaritaan ay la kaashaneeyso khubaro caalami ah waxay ku sameeyn doontaa gargaarkii caafimaad ee loo fidiyey wasiiraddii horee arrimaha dibadda dalkaan Anna Lindh,ka dib markii wasiiraddaas hore mindi lagu dhuftey dhaawicii falkaas ka soo gaareyna ay u dhimatey.

Isbitaalka jaamacadda Karoliniska ayaa wasiiradda la geeyey xilligii dhaawucu soo gaarey,waxayna halkaas ugu dhimatey dhiigbax xun oo ay takhaatiirtu joojin waayeen.

Baaritaankaan ay hadda hay'adda arrimaha bulshadu ku sameyneyso dhimashada wasiiradda,ayaa waxaa sabab u ahaa barnaamij ka baxay idaacadda la iska arko ee Tv4, kaas oo lagu sheegey in dhimashada wasiiradda ay qeeyb ka geeysteen qaladaad ay ku keceen takhaatiirtii ku hawlaneeyd badbaadinta caafimaad ee wasiiradda.

Baaritaankaan ayaa la rabaa in la soo gabagabeeyo ugu horeeyn dhammaadka sanadkaan,ugu danbeeyna horaanta sanadka 2011-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".