Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Malmö skjutning

Dilalka Malmö iyo soogalootiga

La daabacay torsdag 21 oktober 2010 kl 11.52
Booliiska oo fal danbi baaraya. Foto: Stig-Åke Jönsson/Scanpix

Maalintii talaadada ayaa waxaa fal toogasho ah loogu diley nin 28 jir ah oo asalkiisu qaxooti yahay, meel u dhow goob basaska laga raaco oo ku taala magaaladda Malmö,imminkana waxay ciidamada booliisku tuhmayaan in dadka soogalootiga ahi kaligood, ahaayeen kuwa lagu bartilmaameedsadey ilaa 15 fal oo toogashooyin ah oo dhawaanahaan ka dhacay isla magaalada Malmö.

Booliiska ayaa tuhunsan in uu hal qofi ka danbeeyo dhacdooyinkaan toogashada ,waxaana tuhunkaas sii xoojiyey ka dib markii baaritaano lagu sameeyey fuuqyadii ka harey rasaastii toogashooyinkaas loo adeegsadey,lagu ogaadey badankooda in isku hub ama isku qori laga ridey.

Maalintii shaley ayey aheeyd markii ay booliisku qireen tuhunkooda ku aadan in uu jiro hal qof oo si gaar ah u ugaarsanaya,kuna shiishbaranaya dadka soogalootiga ah,xataa waliba iyadoo ay toogashadii ugu horeeysey magaaladaas ka dhacdey  bishii oktoobar ee sanadkii hore ,kuwa kale oo badanina ay ka danbeeyeen.

Taliyaha ciidamada booliska Malmö Börje Sjöholm oo isagu baaritaankaas hogaaminaya, ayaa barnaamijka Aktuelt ee ka baxa idaacadda la iska arko ee SVT-gu weeydiiyey , sababta aysan booliiska magaalada Malmö hadda ka hor u sheegin,ugana digin in waxa rasaasta lagu bartilmaameeydsanayaa ay yihiin oo kaliya dadka soogalootiga ah ,wuxuuna ku jawaabey Börje Sjöholm :

( Markii hore kuma aanaan qiimeeyn in dhacdooyinkaani xiriir la leeyihiin kuwii horey u dhacay ,laakiin hadda ayaanu taas sameeyney.)

Taliyaha ciidamada booliiska Malmö Börje Sjöholm ayaa waxaa sidoo kale la weeydiiyey,sidee dadweeynuhu idinku aaminayaa haddii ay arkayaan in aad ka qarineeysaan wararka iyaga khuseeya :

Taliyaha booliiska Malmö Sjöholm ayaa su'aashaas uga jawaabey,In dadweeynuhu ku kalsoon yihiin habka ay u shaqeeyaan,baaritaanada la sameeyaana ay sidaas wada yihiin, oo baaritaanka horaantiisa aan wax war ah oo badan laga sheegin ,markii baaritaanku muddo socdo ayaa la go'aamiyaa in ay jiraan warar dheeraad ah oo la sheegi karo.

Sidoo kale markii dhacdo loo soo qabqabto dad badan ,waa in aan hubsanaa wararka arrintaas laga sheegayo si aanaan u sheegin warar qaldan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".