Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Ny Malmöskjutning

Qof Malmö ku ugaarsanaya soogalootiga

La daabacay fredag 22 oktober 2010 kl 10.38
Booliiska oo baaritaan ka wada magaalada Malmö.

Laba qof oo dumar ah ayaa maalintii shaley lagu toogtey magaalada Malmö iyagoo xilligaas la toogtey  ku sugnaa guri gudihiis,dariishadana laga soo toogtey. Booliiska magaalada Malmö ayaa iminka baaraya in toogashooyinkaan u danbeeyey ay raad la leeyihiin kuwa horey magaaladaas Malmö uga dhacay.

Labadaan qof oo dumarka ah ee maalintii shaley la toogtey ayaa la toogtey xilli ay saacaddu abaarihii aheeyd siddeedii fiidnimo,waxayna da'doodu u dhaxeeysaa 26 jir iyo 34 jir,xaafadda toogashadaasi ka dhacdeyna waxaa lagu magacaabaa  Kroksbäck oo ku taala magaalada Malmö.

Mudooyinkaan danbe ayaa waxaa magaalada Malmö ka dhacayey dilal iyo isku dayo dil oo loo geeysanayey dadka asalkoodu qaxootiga yahay ,booliiska magaaladaas ayaana tuhunsan in uu jiro hal qof oo si bareer ah u tooganaya ama u bartilmaameedsanaya dadka soogalootiga ah ee magaaladaas ku nool.

Booliiska ayaa baaritaan xoog leh oo aan kala joogsi laheeyn ku haya falalkaan danbi ee ka dhacaya magaalada Malmö.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".