Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
MALMÖSKOTT

Dhaawac Gaaray Wiil Soomaaliyeed

La daabacay måndag 25 oktober 2010 kl 10.53
Inan soomaaliyeed oo dhaawac xabad loo geeystay
(7:56 min)
Booliiska magaalada Mamö oo baaraya falalka danbi ee rasaasta lagula beegsanayo dadka soogalootiga ah. Foto: Johan Nilsson/Scanpix

Rasaastii dadka soogalootiga ah lala beegsanayey kana dhacaysey magaalada Malmö ayaa wali meesheedii ka sii socotey maalmihii sabtida iyo axadda ee fasaxa lagu jirey.

Booliiska magaalada Malmö ayaa ilaa hadda waxay heleen qiyaastii boqol war oo ay dadweeynuhu ku soo wargaliyeen kuna saabsan xabadaha magaaladaas Malmö dadka lagu bartilmaameedsanayo.

Booliiska ayaa sidoo kale rajeenaya in ay helaan raad la xiriira DNA-da qofka isagu toogashooyinkaan ka danbeeya.

Raadkaan DNA-da ayaa laga yaabaa in laga helo hardi uu ninka wax toogtaa maalintii sabtida ku dhuftey nin harqaanle ah ,markii uu toogtey ka dib.

Baashi Xasan Nuur oo wiil dhallinyaro soomaaliyeed ah kuna dhaqnaa saddexdii sanadood ee  ugu dambeeyey magaalada Malmö ayaa dhowaantan dhaawac xabbad uu ka soo gaaray qalalaaso beryahanba lagu hayay dadyoowga asal ahaan ka soo jeeda dalka dibaddiisa ayaannu khadka telefoonka wareeysi kula yeelanay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".