Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Räntan

Bangiga dhexe oo siyaadiyey dulsaarta

La daabacay tisdag 26 oktober 2010 kl 10.18

Bangiga dhexe ee dalkaan Iswiidhan ayaa siyaadiyey 0,25 boqolkiiba qiimaha dulsaarta taas oo hadda gaartey boqolkiiba hal,sidoo kale bangiga ayaa hoos u dhigey saadaashiisa ku aadan dulsaarta mustaqbalka.

Waa markii saddexaad ee bangiga dhexe kor u qaado qiimaha dulsaarta ilaa iyo xagaagii sanadkaan.

Bangiga dhexe ayaa saadaalinaya in qiimaha dulsaartu noqon doono 1,3 boqolkiiba saddexda bilood ee ugu horeeya sanadka 2011-ka, taas oo wax yar ka yar saadaashii hore ee bangiga dhexe oo aheeyd in ay xilligaas noqon doonto 1,4 boqolkiiba.

Bangiga dhexe ayaa sidoo kale saadaalinaya in ay dulsaartu noqoto saddexda bilood oo ugu danbeeya sanadka 2011-ka qiyaastii 2,0 boqolkiiba,taas oo ka yar saadaashii bangiga dhexe ee xilligaas taas oo aheeyd 2,4 boqolkiiba,bangiga dhexe ayaa sidoo kale saadaalinaya in sanadka 2013-ka dulsaarta la gaarsiin doono 3,4 boqolkiiba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".