Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Rödgrön paus

Iskaashigii mucaaradka oo hakad galey

La daabacay onsdag 27 oktober 2010 kl 10.18
Iskaashigii xisbiyada mucaaradka oo la hakiyey.

Iskaashigii siyaasadeed ee labadii sanoo u danbeeysey ka dhexeeyey xisbiyada mucaaradka ee casaan/cagaarka ayaa imminka la hakiyey,sida ay sheegtey hogaamiyaha xisbiga Socialdemoqoraati-ga Mona Sahlin.

Mona Sahlin ayaa warfaafinta u sheegtey in iskaashigii ay horey u lahaayeen xisbiyada Sooshaldemoqoraati-ga, xisbiga cagaaran ee Miljöparti-ga iyo xisbiga bidixda ee Vänsterparti-ga uu yeelan doono qaab kale oo ka duwan sidii hore .

Bishii december ee sanadkii 2008-da ayey aheeyd markii xisbiyada Sooshaldemoqoraati-ga ,xisbiga cagaaran ee Miljöparti-ga iyo xisbiga bidixda ee Vänsterparti-gu ay sheegeen in wadashaqeeyni dhexmari doonto ujeedada laga leeyahay ay tahay in dhisaan dawlad ay u dhan yihiin.

Xataa ka dib markii xisbiyada casaan /cagaarka looga guuleeystey doorashadii dalkaan ka dhacdey bishii september ee sanadkaan 2010-ka ,ayey xisbiyadaani si wadajir ah usbuucii hore u soo bandhigeen miisaaniyad ay ku mideeysan yihiin,laakiin sidaas oo ay tahay iskaashiga xisbiyadaan ayaa hadda yeelanaya qaab ka duwan iskaashigoodii hore,ilaa iyo hadana ma cadda in ay dib u soo nooleeyn doonaan xiriirkoodii iskaashi ka hor inta aan la gaarin doorashada dalkaan ka dhici doonta sanadka 2014-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".