Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Skuggbudget

Miisaaniyadda mucaaradka

La daabacay onsdag 27 oktober 2010 kl 10.55
Afhayeenada dhaqaalaha ee xisbiyada mucaaradka Mikaela Valtersson (MP), Thomas Östros (S) iyo Ulla Andersson (V) oo soo bandhigaya miisaaniyadda xisbiyada casaan/cagaarka. Foto: Leif R Jansson / Scanpix

Xisbiyada mucaaradka ee casaan/cagaar ayaa soo bandhigey miisaaniyaddii ay dalkaan ku dhaqi lahaayeen haddii ay iyagu imminka xukunka dalkaan heeyn lahaayeen,taas oo ay ku muujiyeen lacag dheeraad ah oo ay degmooyinka iyo hay'adda daryeelka caafimaadka, siin lahaayeen sanadka 2011-ka ,lacagtaasina waxay 6,5 miljarder oo karoon ka badan tahay tan ay dawladdu u qorsheeysey in ay siiso degmooyinka iyo hay'adda daryeelka caafimaadka.

Saddexda afhayeen ee xisbiyada mucaaradka u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha ayaa si wadajir ah u soo gudbiyey fikirka miisaaniyaddaan ee ay xisbiyadoodu ku mideeysan yihiin,ka hor intaan la hakin heshiiskii iskaashi ee xisbiyadaan mucaaradka dhexmarey sanadkii 2008-dii.

Miisaaniyaddaan ay ku mideeysan yihiin xisbiyada mucaaradku ayaa dabajoogta heshiis dhinacyo badan ku saabsan oo ay xisbiyadaani wadagaareen xilligii doorashada .

Dhanka iskuulada waxay tusaale ahaan soo jeediyeen in tayada waxbarashada xoogga la saaro iyo la siyaadiyo tirada macallimiinta.

Waxay kaloo xisbiyadaani soo jeediyeen in canshuuraha dadka hawlgabkaa laga dhimo lacag dhan 2.5 milyaardar karoon ,sidoo kalana 2 milyaardar oo karoon laga dhimo lacagaha canshuurta ah ee ay shirkadaha yar yari ka bixiyaan shaqaalaha ay qortaan.

Soo jeedimahaas ayaa lacagta lagu maalgalinayo waxaa laga keenayaa meelo ay ka mid yihiin, 2 milyaardar oo karoon oo laga dhimo ciidamada, canshuurta oo lagu siyaadiyo dadka qaata mushaaro in ka badan 40 000 oo karoon bishiiba taas oo khasnadda dawladda soo galineeysa lacag dhan 2 milyaardar oo karoon.

Canshuuraha laga qaado khamriga iyo tubaakadana in kor loo qaado 2 milyaardar oo karoon.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".