Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Nobel foundation och SD

Xisbiga SD oo loo diidey xafladda Nobelka

La daabacay onsdag 27 oktober 2010 kl 15.58
Xafladda Noobalka oo loo diidey xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemoqoraati-ga.

Xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemoqoraati-ga ayaan lagu casumin xafladda sanadkaan loo qaban doono gudoonsiinta culimadii biladahaas sanadkaan ku guuleeysatey,waxayna sheegtey Nobel Foundation oo iyadu bixisa jaa'isooyinkaas

in xisbigaas xagjirka ahi ka soo horjeedo rabitaankii Alfred Nobel ee la xiriirta cidda xafladaas lagu cusumayo.

Agaasimaha guud ee Nobel Foundation Michael Solman ayaa wargeeyska Aftonbladet u sheegey,in haddii la akhriyo rabitaankii Alfred Nobel,waxay si cad u qeexdey in wadaninimada xagjirka ahi aysan muhimad ulaheeyn,taas oo aysan xisbiga Sverigedemoqoraati-gu qabin.

Wuxuuna intaas ku darey in ay yihiin urur aan dawladdu laheeyn ayna casumi karnaa ciddii ay rabaan oo kaliya.

Hogaamiyayaasha dhammaan todobada xisbi oo kale ee baarlamaanka dalkaan ku jira ayaa lagu casumey hoolka xafladdaas Nobel-ka lagu qaban doono bisha december ee sanadkaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".