Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Statsminstern har fortsatt förtroende för Arkelsten

Hay'adda qaranka u qaabilsan la dagaalanka laaluushka oo hadda baaritaan ku heeysa Sofia Arkelsten

La daabacay torsdag 28 oktober 2010 kl 12.08
Sofia Arkelsten och Fredrik Reinfeldt. Arkivfoto: Bertil Ericson

Xoghayaha cusub ee xisbiga Moodaraat-ka Sofia Arkelsten ayaa aqbashey safara dhawr ah oo lagu casumey xilliigii ay aheeyd afhayeenka xisbigeeda u qaabilsan arrimaha siyaasadda deegaanka,isla markaana ay xubin ka aheeyd golaha baarlamaanka dalkaan Iswiidhan.

Maalintii shaley ayaa waxaa soo shaacbaxdey in Arkelsten ay bishii May ee sanadkii 2008-dii casumaad ka aqbashey shirkadda shidaalka ee Shell taas oo siyaasiyadda ku casuntey munaasabad looga hadlayey arrimaha tamarta oo ka dhacdey koonfurta dalka faransiiska,

kulankaas oo ay siyaasiyadda ku baxdey tigidhk diyaaradeed,laba habeen oo ay hoteel seexatey iyo qado iyo casho.

Hay'adda qaranka u qaabilsan la dagaalanka laaluushka ayaa hadda baaritaan ku sameeyneeyn doonta safarkaan.

Wargeeyska Aftonbladet ayaa isaguna dhankiisa qorey laba safar oo dheeraad ah oo siyaasiyaddaan loogu casumey dalka Tanzania sanooyinkii 2007-dii iyo 2008-dii.

Dhanka kalana Sofia Arkelsten ayaa hadda ka iska casileeysa jaga sare oo ay ka heeysey shirkadda Sweco ,ka dib markii uu wariye ka tirsan wargeeyska Dagens Nyheter su'aalo arrintaas ka weeydiiyey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".