Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Midowga Yurub oo go'aamiyey in dib u egaan sharcigooda.

Publicerat fredag 29 oktober 2010 kl 12.23
Kulankii EU-da Angela Merkel iyo José Manuel Barroso. Foto: Geert

Kulan ay yeesheen madaxda midoowga Yurub shalay ayeey ku go'aamiyey indib loo eego heshiiska u yaala Eu-da. Kulan kan oo qaatey waqti dheer intii loo qorsheeyay ayna horyaalleen sidii ay u ansixin lahaayeen qodobada ay mudnaanta siina hayeen goluhu,

sida in la sameeyo dhigaal argti dheer leh, in codka doorashada laga qaado dawladii aan dhidibada u aasin dhaqaalaheeda iyo in boorka laga jafo siyaasadda Midowga Yurub iyo heshiisyada u dagsan maantay, waxaan isla goobtaas lagu doortey gudoomiye Herman Van Rompuy oo hawshiisu noqon doonto soo ban dhigida qasnada badbaadada kaydinta dhaqaale, si wax looga qabto dalaka ay ku dhacday dhaqaalo xumadu.

Dhamaan hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub,ayaa u arka in lagama maar maan ay tahay ka doodista qodobadan balse waxaa inta badan hogaamineyay sharuudna ka dhiga hayey in la sharciyeeyo in la furo qasnad kaydin dhaqaale oo looga hortago dalalka dhaqaalo daradu lasoo gudboonaato iyo masiibooyinka, dalka Garmalka.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, ayaa wada ogsoon ineeysan fududeen wax ka badalida sharciyada midoowga, waxeeyna wada xasuustaan,kii loogu magaca darey Lesian ee qaatey sideedda sanadood.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".