Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Afganistansamtal

Xisbiga bidixda ee V iyo Afgaanistaan

La daabacay måndag 1 november 2010 kl 10.12
Hogaamiyaha xisbiga bidixda ee Vänster-ka Lars Ohly

Xisbiga bidixda ee Vänster-ka ayaa isaga baxay ka qeeyb qaadashada wadahadalada dhexmaraya xisbiyada mucaaradka iyo dawladda lana xiriira sidii laga yeeli lahaa ciidamada dalkaan Iswiidhan ka jooga dalka Afgaanistaan.

Hogaamiyaha xisbiga bidixda ee Vänster-ka Lars Ohly ayaa ka caroodey in xisbiyada Sooshal demoqoraadi-ga iyo xisbiga cagaaran ee Miljöparti-gu aysan ku adkeeysan heshiiskii horey u dhexmarey xisbiyada casaan/cagaarka ee ku saabsanaa waxa laga yeelayo ciidamada Iswiidhan ka jooga dalka Afgaanistaan.

Hogaamiyaha xisbiga bidixda ee Vänster-ka Lars Ohly ayaa sheegey in ay dawladdu qaab jilicsan u dhigtey waxa laga yeelayo arrintaas taas oo u muuqata in ciidamadaasi ay halkaas ku sii sugnaadaan muddo aan cayimin.

Dhanka kale waxaa adag in la saadaaliyo waxa uu ku danbeeyn doono iskaashigii u dhexeeyey xisbiyada mucaaradka ee casaan/cagaarka maadaama ay xisbiyada Sooshal demoqoraadi-ga iyo xisbiga cagaaran ee Miljöparti-gu ay sii wadi doonaan wadahadaladda ay dawladda kala leeyihiin arrinta ku saabsan waxa laga yeelayo ciidamada dalkaan Iswiidhan ka jooga dalka Afgaanistaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".