Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Göteborgsbombhot

Cabsidii Argagixisad ee Göteborg

La daabacay måndag 1 november 2010 kl 12.59

Waxyaabo badan ayaa illaa iminka caddeeyn dhacdadii sabtidii iyo axaddii ee magaalada götebrog, halkaasina oo boliisku jimcadii shaaca ka qaadeen cabsi laga qabo in bam ka qarxo goob ku taala magaalada Göteborg maalintii sabtida ee ina dhaaftay.
Subaxdii sabtida ayaa gacanta lagu dhigay afar nin ee lagu eedeeyey iney ku talo jireen fal argagixiso, iyadoona laba ka mid ah wax yar kadib oodda laga qaaday. Halka labadii kalena 28 iyo 48-jirna lagu eedeeyey tuhun argagixisnimo iyagoona oodda laga qaaday fiidnimadii maalintii axaddii.

Hase yeeshee weli uu tuhunkii jiro, sida uu sheegay Patrik Peter, ahna af-hayeenka saxaafadda ee heeyadda ammaanka ee Säpo, eyna heeyaddu hoowshaa kala wareegtey iminka boliiska oo markii hore faraha ku hayay:

- Labadan nin ayaa weli baaritaanka xiiso u leh. Waxaa jirta in baarihii dembigan uu u arkay in aannu caddeeyn dembiga lagu tuhunsan yahay in xabsiga lagu sii hayo labadaa nin. Iyadoona uu baaritaankii halkiisii ka sii socon doono, maadaama uu tuhunkii halkiisii ka jiro.

Galabnimadii maalintii jimcadii ina dhaaftay ayuu taliska boliiska ee carriga Göteborg shaaca ku dhawaaqay war-bixinno la xiriira cabsi laga qabo fal qarax ee loo geeysto faras-magaalaha magaalada Göteborg. Hase yeeshee aannu maamulku farta ku fiiqin goobta tuhunku kaga jiro, iyo sidoo kale in war-bixintaasi aaney aheyn mid si dhab ah loo hubo.

Aroornimadii maalintii sabtida ayay sidoo kale ciidammada ammanku ku dhaqaaqeen tallaabooyin cinwaanno dhowr ah ee kala duwan, halkaasina lagu soo qab-qabtay dhowr ruux. Mid ka mid ah dadyoowgii ay ciidanka ammaanku gacanta ku soo dhigeen ayaa u sheegay idaacadda wararka ee Ekot in qabashadii boliisku soo qabteen ahayd mid aad u foolxun oo xoog loo isticmaalay iyadoona ey daawanayeen xaaskiisa iyo afarta caruur ee uu dhalay.

- Sacadda lixdii aroornimo ayey ahayd waannuna hurudnay, aniga xaaskayga iyo afartayada caruur. Waxaannu ku soo kacnay sawaxan aad u wayn ee albaabka lagu dhuftay. Markaan indhaha kala qaadnayna guriga ayey tuunsanaayeen – labaatameeyo boliis ah, ma garan karo, waxaa guriga ka buuxay boliis. Kama aanan gaarin inaan arko cidda ey yihiin islamarkiiba waxaa la i dhigay dhulka oo jilib dharka la iiga qabtay. 45 daqiiqo dabadeed oo la igu hor ceebeeyay caruurteeyda ayaa isteeshinka boliiska la ii kaxeeyay. Markey i qabteen wax dhar ah ma aanan qabin gacmaha oo aan jeegada ku hayey iyadoona hub la igu hayey.

Ugu horreeyn kolkii la keenay isteeshinka Mölndahl ayuu ninkaasi ogaaday waxa lagu heeysto iyo in lagu tuhunsanaa u diyaar garow fal argagixisnimo, la’iigamana warramin cabsida laga qabo qarax ka dhaca magaalada Göteborg. Su’aalaha badankood waxa ey ku saabsanaayeen qaraabadayda – halka afarta ruux ee la qabtay ey dhammaantood yihiin qaraabo ka soo jeedda palestiin kana soo haajirtay dalka Siiriya. Ciidammada boliisku waxaa kaloo ey weeydiiyeen diintiisa iyo fikirradiisa siyaasdeed. Shakhsigan ayaa weli su’aalo ka qaba qabashadan lagula kacay.

- Waxaannu nahay xaasas noloshooda ku filan, leh tacliin jaamicadeed. Ma fahmi karo waxa la igu qabsaday.

Gelinkii dambe ee maalintii sabtida ayaa oodda laga qaaday laba ka mid ah afartii ruux ee xabsiga loo taxaabay, halka laba kalena 28 iyo 48-jir roomka lagu sii hayay iyadoona lagu eedeeyay tuhun u diyaar-garow fal argagixisnimo.

Halka labadii kalena oodda laga qaaday fiidnimadii maalintii axadda. Iyadoona ciidanka ammaanka ee boliisku shaaciyeen in cabsidii laga qabay qarax ka dhaca faras-magaalaha magaalada Göteborg uu weli halkiisii ka jiro.

Hoowshii baaritaanka falka argagixisnimana ayay la wraeegtay heeyadda ammaanka ee Säpö.

                                                                     Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".