Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Arkelsten

Arkelsten Gacan yaraha Xisbiga M

La daabacay måndag 1 november 2010 kl 18.42
Sofia Arkelsten, gacan yaraha xisbiga Mudaraatka.

Dacwad baaritaan lagu soo oogi lahaa gacan yaraha xisbiga Mudaraatka Sofia Arkelstens lana xiriirtay safarro lagu casumay ayaa la sheegay in hoos loo dhigay sida uu sheegay xeer-ilaaliyuhu.
Sida uu sheegay xeer-ilaaliye sare Gunnar Stetler in aanay jirin sabab tuhun la xiriirta dembi ay sarkaaladdaasi gashay oo maxkamad lagu soo taagi karo.

- Waa wax cad in sharciga musuqmaasuqu qabto xildhibaannada baarlamanka, sida uu sheegay xeer-ilaaliye ka hoowl-gala laanta ka hor-tagga musuqmaasuqa mar uu maanta shir-jaraa’id qabtay.

- Waa wax hubaal ah in xildhibaannada lagu casumi karo safarro, hase yeeshee waa iney safarradaasi noqdaan kuwo sababeeysan, sida uu sheegay xeer-ilaaliyuhu isagoona tusaale u soo qaatay in loo baahan yahay in safarradaasi aaney ku jirin xaflado badan.

Safarrada Arkelstens ayaan u muuqan kuwo laaluush.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".